Borama News Network

Dowlada Somaliya Oo War Ka Soo Saartay Xabad Joojinta Ka Dhaqan Gasha Magaalada Gaza

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaasoo ku baaqaya xabbad-joojin degdeg ah oo ka dhacda Gaza.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibbadda Xukuumadda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in tallaabadani ay tahay mid horey loogu qaaday nabadda iyo xasilloonida gobolka.

“Soomaaliya waxay si adag ugu ololaynaysaa in la soo afjaro iskahorimaadka Marinka Gaza, in si nabad ah dadka barakacayaasha ah loogu celiyo guryahoodii, iyo in la xaqiijiyo xal macquul ah oo laba dal ah. Nabad waarta oo gobolka ka dhalata waxaa lagu heli karaa wada hadal dhab ah iyo is ixtiraam,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in Soomaaliya ay ku boorrisay in dhinacyada ay khuseyso ay ka go’an tahay in la taageero si loo xaqiijiyo in lagu guuleysto qaraarkan.

Related posts

laadiintan been-beenta ah ee dadka isku diraya hala xidho oo sharci halaga soo saaro” Faysal Cali

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwaynaha Cusub Maraykana Oo Xalay Qaaday Talaabo Ay Soo Dhaweeyeen Dadka Muslimiinta

Abdiaziz Bnnstaff

“Dowlada Soomaaliya ha keento ciidii dalka soo galinaysay Hubka sharci darada ah”

Abdiaziz Bnnstaff