Borama News Network

Shir Looga Hadlayo Mashaariicda Bankiga Hormarinta Afrika Oo Maalintii Labaad Galay

Waxaa Maalintii labaad galay shir u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Bankiga horumarinta Afrika, shirkaas oo dib loogu eegayo mashaariicdii uu ka fuliyay dalka tan iyo 2022- 2024.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa furay shirka oo dhammaan hay’adaha dowladda lagu qiimeyn doono mashaariicda Bankiga horumarinta Afrika uu maal gelinayay sanadihii lasoo dhaafay, wax qabadkoodii iyo caqabadihii uu la kulmay.

Qiimeyntan ayaa saldhig u noqon doono qorshaha Bankiga horumarinta Afrika uu diyaarinayo shanta sano ee soo socoto, sida uu sheegay Wasiir Biixi Iimaan Cige.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa Bankiga horumarinta Afrika ugu mahad celiyay doorka ay ka qaateen kobaca dhaqaalaha dalka iyo dhiirri gelinta maalgashiga iyo xasaradaha ka dhasha is-beddelka cimilada.

Related posts

Turkiga Oo Duqaymo Ka Fuliyay Dalalka Suuriya Iyo Ciraaq Ka Dib Weerar Lagu Laayay Askar Turki Ah

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwaynihii Hore Ee Dalka Maraykanka Oo Fashiliyay Sir Wayn Intii Uu Ku Guda Jiray Ololaha Doorashada

Abdiaziz Bnnstaff

Kooxo Hubaysan Oo 7 Qof Oo Shacab Ah Aano Qabiil Loogu Laayay Deegaano Ka Tirsan Maamulka Galmudug

Abdiaziz Bnnstaff