Borama News Network

Markabkii u Afduubnaa burcad-badeedda Soomaalida oo laga baqayo inuu saadka ka go’o

Markabka laga leeyahay dalka Bangladesh ee u afduuban burcad-badeedda Soomaalida ayaa la filayaa inuu dhowaan ka go’o saadka.

MV Abdullah ayaa weli u afduubay burcad-badeedda, inkastoo ay jireen warar sheegaya in wada-hadallo ay usoo bandhigeen milkiilayaasha.

Ururka saraakiisha badaha, milkiilayaasha markabka iyo ururka kalluumeysatada ayaa warkan u xaqiijiyay warbaahinta dalkaas.

Markabka ayaa heystay cunno ku filan muddo 25 maalmood ah markii la afduubanayay 12-kii March, balse burcad-badeedda ayaa cunnada isticmaalayay 16-kii maalmood ee xigay.

Markabkan oo kasoo shiraacday Musambiig kuna wajahnaa Imaaraatka Carabta ayaa safarkiisu wuxuu qaadan lahaa muddo 15 maalmood ah.

Related posts

Ruushka oo sheegay in ay xalay burburiyeen 25 diyaaradood oo laga leeyahay dalka Ukraine Barasaabka gobolka Krasnodar, Veniamin Kondratyev, ayaa xalay ku qoray bartiisa Telegram in laba degmo lagu qaaday “Weerar aad u weyn

Abdiaziz Bnnstaff

Gudiga Anshaxa Oo Digniin u Diray Dadka Faafinaya Wararka Beenta Ah Ee Ku Saabsan Natiijada Codbinta

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxtooyada Somaliya Oo War Ka Soo Saartay Gogoshii Uu Madaxwayne Xasan Sheekh U Fidiyay Mucaaridka

Abdiaziz Bnnstaff