Borama News Network

Madaxweynaha Uganda oo Kampala ka daah-furay Salaam Bank oo ah bankigii ugu horreeyay ee Islaami ah

Xafiiska madaxweynaha Uganda ayaa shaaciyay in laan ka tirsan Bankiga Salaam ee fadhigiisu yahay dalka Jabuuti Arbacadii laga daahfuray dalka Uganda, iyada oo bankigan uu yahay hay’ad maaliyadeed oo waafaqsan shareeca Islaamka, sida uu shaaciyay xafiiska Yoweri Museveni.

Daah-furka howlaha Bankiga Salam Bank Limited waxa ay daba socotaa sharci sannadkii hore fasaxaya adeegyada bangiyada Islaamiga ah ee Uganda.

Bankiyada Islaamku waxa ay raacaan mabaadi’da diinta Islaamka, sida mamnuucida bixinta dulsaarka iyo sidoo kale ka fogaanshaha maalgashiga hawlaha qaarkood sida khamaarka oo kale.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa ka qeybgalay xafladda furitaanka bangigan oo ka dhacday caasimadda Kampala, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa.

Muslimiinta, oo 14% ka ah shacabka Uganda, ayaa in muddo ah ka cabanayey in bangiyada Uganda aysan haysan wax soo saar shareecada waafaqsan.

Hoggaanka iyo masuuliyiinta muslimiinta Uganda, ayaa u ololeynayay in la sameeyo sharci bangiyada Islaamka ah, si loo dhiirigeliyo hay’adaha bangiyada Islaamiga ah ee laga yaabo inay dalka ku soo dhiirradaan.

Ibrahim Cabdiraxmaan, oo ah Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Bankigan, ayaa laga soo xigtay inuu sheegay in bangiga cusub uu bixin karo shaqo waafaqsan shareecada oo ay dowladda Uganda ka faa’iideysan karto, si kor loogu qaado raasumaalka mashaariicda kaabayaasha.

Related posts

Booliska Somaliland Oo Digniin Culus U Diray Dhalinyarada Maalmaha Ciida Meelaha Banaanka Ah Iskula Baxa

Abdiaziz Bnnstaff

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo sheegtay in Gobolka Mudug ay ku dishay Saraakiil katirsan ‘AS’.

Abdiaziz Bnnstaff

“Kulmiye Iyo Xukuumadii-su Waxay Ku Sifoobeen In Ay Yihiin Qaran-dumis Waxaana….” Xisbiga Waddani Oo U Jawaabay Wasiir Ku Xigeenka Arimaha Gudaha

Abdiaziz Bnnstaff