Borama News Network

Maxay kawada hadleen Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya?

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo kulan gaar ah la qaatay Danjiraha Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ee Soomaaliya FEI Shengchao ayaa kawada hadlay Xoojinta Iskaashiga labada Dhinac, Amniga & la dagaalanka ‘AS’.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Danjiraha Shiinaha ay diiradda saareen arrimaha muhiimka ah ee Amniga iyo la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada sida hadalka loo dhigay.

FEI Shengchao, Danjiraha Shiinaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladdiisa ay xoogga saarayso dhaqangelinta qodobada ay kawada hadleen Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Wasiirka ayaa qudhiisa u mahadceliyay Dowladda iyo Shacabka Shiinaha isaga oo ku bogaadiyay garab istaagga ay u muujiyeen Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay in xiriirka labada dal ee wanaagsan uu ku dhisan yahay iskaashiga labada Dowladood.

Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya FEI Shengchao ayaa xusay in Cilaaqaadka faca way nee Xukuumadaha Muqdisho iyo Beijing uu sii xooggaysanayay sanadihii u dambeeyay waxaana uu rajeeyay in meelo ka wanaagsan heerka uu joogo sii gaaro.

Related posts

Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in saddex ka mid ah shaqaalihii la socday lagu dilay, ugu yaraan afar kalena lagu dhaawacay weerarka Xuutiyiinta ay ku qaadeen markab ganacsi meel ku dhow Yemen. “Abaarihii 11:30 subaxnimo (waqtiga Sanca) ee 6-dii Maarso, ayaa gantaal nooca ballistic-ga ah (ASBM) laga soo riday aagagga ay argagixisada Xuutiyiinta Yemen ka taliyaan ee Iran ay taageerto, kaasoo lagu weeraray markabka M/V True Confidence, oo uu ka babanaayo calanka Barbados, Laybeeriya. isagoo u sii gudbaya Gacanka Cadmeed,” ayaa lagu warka lagu sheegay warka Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka “Gantaalka ayaa ku dhacay markabka, shaqaalaha caalamiga ah waxay soo sheegeen saddex dhimasho ah, ugu yaraan afar dhaawac ah, kuwaas oo saddex ka mid ah ay xaaladoodu halis tahay, iyo burbur weyn oo soo gaaray markabka.” Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in kani uu yahay gantaalkii shanaad ee ka hortagga maraakiibta ballistic-ga ee Xuutiyiinta ay rideen labadii maalmood ee u dambeeyay.

Abdiaziz Bnnstaff

Orod Mooge Oo Si Foolxun Ugu Jawaabay Axmed Yasiin Sheekh Cali Ayaanle Oo Taageero U Muujiyay Xisbiga Wadani

Madaxwaynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip ErdoğanOo Netanyahu Ku Tilmaamay In Uu La Midyahay Hitler

Abdiaziz Bnnstaff