Borama News Network

Hoggaamiyaha budhcadda qabsatay dalka Haiti oo sheegay in ay hubka dhigayaan haddi shardigan loo fuliyo

Mid ka mid ah hogaamiyayaasha kooxaha burcadda ah ee ugu awooda badan Haiti ayaa sheegay in uu ka fiirsan doono in uu hubka dhigo hadii kooxaha hubeysan loo ogolaado in ay ka qeyb qaataan wadahadalada lagu dhisayo dowlad cusub.

Kooxo uu hogaaminayo Jimmy Chérizier, oo sidoo kale loo yaqaan Barbecue, ayaa gacanta ku haya inta badan caasimadda Port-au-Prince.

Waxa uu saadaaliyay in rabshadaha Haiti qabsaday toddobaadyadii la soo dhaafay ay sii kordhi karaan maalmaha soo socda.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu u sheegay Sky News: “Waxaan diyaar u nahay xalalka.”

Haiti, oo ah waddan sabool ah oo Kariibiyaanka ah oo ay ku nool yihiin in ka badan 11 milyan oo qof, ayaa ra’iisul wasaare la’aan ahayd tan iyo 12-kii Maarso.

Ariel Henry ayaa xilka iska casilay ka dib markii ay is hortaag ku sameeyeen kooxo hubeysan isaga oo ka soo laaban lahaa dalka Kenya, halkaasi oo uu ku saxiixay in ciidamo nabad ilaalin ah oo milateri ah dalka la keeno si sharciga iyo kala dambeynta loo soo celiyo.

Budhcaddu waxay ka faa’iidaysteen awood la’aanta oo waxay ku balaadhiyeen gacan ku haynta dhulalka dalka, taas oo si wax ku ool ah uga dhigtay sharci-darro meelaha.

Related posts

Dowlada Oo Diiday In Ay Dhexdhexaadin Ilaa Inta Ay Itoobiya Ka Noqonayso Heshiiskii Ay Somaliland La Gashay

Abdiaziz Bnnstaff

Dalka Iran Oo Soo Saartay Diyaarad Dagaal Oo Ka Mid Noqotay Mid Dalalka Caalamku Si Wayn U Raadinayaan

Abdiaziz Bnnstaff

Cajiib ! Labo Wiil Iyo Hooyadood Oo Tooray Ku Dilay Aabihii Qoyska Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya Siday Wax U Dheceen

Abdiaziz Bnnstaff