Borama News Network

Mucaaradka Netanyahu oo ku goodiyay in ay xilka ka tuurayaan Ra’iisul Wasaaraha Israaiil.

Siyaasiyiinta Mucaaradka ah ee Yuhuudda ayaa billaabay olole xooggan oo ay ku doonayaan in ay xilka uga tuuraan Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu iyaga oo haysta fursado waa wayn sida in ay ku tilmaami doonaan nin ku fashilmay dagaalka Xamaas & dayaca saraakiil badan oo laga dilay.

Xubnaha mucaaradka ah ayaa la sheegay in ay dhexda ka galeen Dadka ehelkooda ay qafaalatay Xamaas 7dii Oktoobar 2023 iyaga oo mar weliba sheega in Xukuumadda Netanyahu aanay awoodin soo furashada Dadkaas xoogga lagu haysto.

Warbaahinta gudaha Israaiil ayaa kordhisay doodaha xooggooda looga hadlayo dagaallada daba-dheeraaday iyo in ilaa haatan ciidanka Yuhuudda oo adeegsanaya hubka casriga ah iyo qalabkii ugu dambeeyay ee la farsameeyay ay usoo furan waayeen Maxaabiista laga haysto.

Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu oo in muddo ah diidanayaa xabbad-joojin iyo in waan-waan maxaabiis is dhaafsi ah lagu sii daayo dadka laga haysto ayaa ugu dambayn Jimcihii aqbalay in wadahadalka dib loo furo isaga oo fasaxay wakiilladii wada-xaajoodka ku metalayay.

Dad badan oo Yuhuud ah ayaa go’aankaas ku fasiray in uu is dhiibay Netanyahu oo culays dhinacyo kala duwan saaran sida dagaalka culus ee maalin weliba loo gudbiyo geerida askarta iyo saraakiishiisa, dacwadda ay ku furtay Koofur Afrika, Qaraarka Golaha Ammaanka ee Xabbad-joojinta, Dibadbaxa dadka ehelkooda la haysto iyo kiiska maxkamadeed ee lala daba-joogo.

Mucaaradka Netanyahu oo raadinaya daldaloolka siyaasadeed ee ay kasoo dusi karaan ayaa markaan diiradda saaray in ay ku dhex milmaan doodaha socda, waxa ay fikirkooda ku maldahayaan hadal haynta guud ee taagan.

Related posts

Dowlada Somaliya Oo Dalka Dibadiisa Caafimaad Ugu Dirtay Dhaawacyadii Weerarkii Syl

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxda Dowladda Oo Dadka Wax Haysta Ugu Baaqay in Ay Caawiyaan Danyarta

Abdiaziz Bnnstaff

Maxkamada Darajada Kawbaad Ee Maamulka Puntland Oo Dil Toogasho Ku Xukuntay Lix Nin Oo U Dhashay Dalka Marocco

Abdiaziz Bnnstaff