Borama News Network

Madaxda Dowladda Oo Dadka Wax Haysta Ugu Baaqay in Ay Caawiyaan Danyarta

Madaxda ugu sarraysa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo hambalyo ku saabsan curashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan u diray Shacabka ayaa Dadka hantida haysta ugu baaqay in ay garab istaagaan walaalahood danyarta ah ee aanay awoodin afurka & waxyaabaha kale ay u baahan yihiin.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, Guddoomiyeyaasha Goleyaasha Shacabka iyo Aqalka Sare waa Aadan Madoobe & Cabdi Xaashi ayaa sidoo kale Dadka usoo jeediyay in ay is cafiyaan kana faaiidaystaan fursadaha ku dhex tuugan Bisha Ramadaan.

Qoraal lagu daabacay barta Madaxtooyada Qaranka ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu guud ahaan Ummadda ugu codsaday in ay Dadka iyo Dalka ugu duceeyaan amni & barwaaqo in uu alle gaarsiiyo kana saaro xaaladaha kala duwan ee adag.

“Dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan caalamka Islaamka waxaan idiin ku hambalyeynayaa munaasabadda barakaysan ee bilashada bisha Ramadaan. Bisha naxariista iyo dambi dhaafka awgeed, waxaan dadka Soomaaliyeed ku baraarujinayaa in ay u istaagaan taakuleeynta dadkeenna danyarta ah, oo ay badiyaan Rabbi-bariga bishan barakaysan oo dalka iyo dadkaba ugu duceeyaan amni iyo barwaaqo” ayaa lagu yiri qoraalka lagu daabacay barta Villa Somalia.

Maanta waa maalinta 1aad ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan waxaana laga sooman yahay qaybo badan oo Dalka halka deegaanno kooban aanay laga soomin, waxaa jira qoysas badan oo saamayn taban ku reebeen xaaladaha ka dhashay Abaaraha, Daadadka & Fatahaadaha Dalka ku dhuftay kuwaas oo u baahan garab istaag loo muujiyo.

Related posts

Haayada Nabadsugida Iyo Sirdoonka Somaliya Oo Muqdisho Ka Soo Dejisay Ninkii Xaaskiisa Nolosha Ku Gubay

Abdiaziz Bnnstaff

Raysal Wasaare Xamse ” Dalkeena Aynu Difaacano Siyaasada Kasta Aynu Meel Iska Dhigno

Abdiaziz Bnnstaff

Booliiska Soomaaliya oo baaraya Rag hubaysan oo ku eedaysan Dilal ka dhacay Muqdisho

Abdiaziz Bnnstaff