Borama News Network

Madaxwayne Xasan Sheekh Oo Deegaannada Galmudug u Tagay Dardargelinta Dagaallada Ka Dhanka Ah ‘AS’

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u socdaalay deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedka Galmudug si uu u dardargeliyo howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee xooggiisa ka socda deegaannada Dowlad-Goboleedkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa waxaa ku biiraya Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo ay wehliyaan mas’uuliyiin heer Federaal & heer Dowlad-Goboleed.

Hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxa ay ku howlanaayeen abaabulka soo dhawaynta wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee tagaya qaar kamid ah Magaalooyinkii ‘AS’ horay looga qabsaday.

Sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen ilo kala duwan, wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu qorshuhu yahay in ay tagaan Magaalooyinka Dhuusamareeb, Ceeldheer iyo Xarardheere oo ka kala tirsan Gobollada Galgaduud & Mudug Dowlad-Goboleedka Galmudug.

Related posts

Wixii Ka Dhacaye Goojacade Ayaa Xaafadahaygana Ka Dhacaye” Gudoomiye Xamarji

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Ciidamo Ka Tirsan Kumaandooska Danab Oo Dhoolatus Kaga Soo Qayb Qaatay Dalka Dibadiisa.

Abdiaziz Bnnstaff

Muxuu yahay Kaarka Buluuga ah ee muranka dhaliyey ee kubadda cagta lagu soo kordhiyey

Abdiaziz Bnnstaff