Borama News Network

Puntland Oo Go’aan Culus la wadaagtay Qaramada Midoobay Iyo Macaamil Cusub oo bilaabmaya

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobey oo ay hoggaaminayso Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Catriona Laing.

Kadib go’aankii xalay kasoo baxay Golaha Wasiirada maamulka, Puntland ayaa gaarkeeda ula macaamilaysa beesha caalamka, sida lagu yiri qoraal goordhoweyd kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa la wadaagay Qaramada Midoobey qoraalka rasmiga ah ee go’aanka Puntland, kaasi oo ay aqoonsigii iyo kalsoonidii kagala laabteen hay’addaha dowladda federaalka Soomaaliya.

Kulankaan ayaa waxaa looga wada-hadlay mashaariicda horumarin iyo kuwa bani’aadantinimo ee ay iska kaashaadaan Qaramada Midoobey iyo hay’adaha Puntland, iyadoo la dardar-gelinayo wada shaqeyn toos ah, sida ay sheegtay Madaxtooyada Puntland.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb-galay madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor, qaar ka mid ah xubaha Golaha Wasiirada, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo Af-hayeenka ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada.

Kulankaan ayaa imanaya saacado kadib markii maamulka uu ku dhawaaqay inuu aqoonsigii iyo kalsoonidii kala laabtay hay’addaha dowladda federaalka, uuna qaadacay tallaabadi uu shalay qaaday baarlamaanka Soomaaliya.

Related posts

” Madaxweyne Fataatiiro Ciyaarka inaga daayo Doorasho qabo ” Xildhibaan Guruuje Oo Fariimo Culus U Diray Madaxwayne Muuse Biixi.

Abdiaziz Bnnstaff

UK oo sheegtay in ay baareyso sababta Djibouti ay u soo masaafurisay xildhibaan Tim Loughton

Abdiaziz Bnnstaff

“Somaliya Waxa U Hadhay Uun In Ay Awood Ciidan Inoo Adeegsato ” Cali Qoryoolay

Abdiaziz Bnnstaff