Borama News Network

UK oo sheegtay in ay baareyso sababta Djibouti ay u soo masaafurisay xildhibaan Tim Loughton

Xafiiska arrimaha dibadda UK ayaa raadinaya xog dheeri ah oo ku saabsan xildhibaanka laga masaafuriyay Djibouti.

Tim Loughton oo hadda xildhibaan ah horena wasiir u soo ahaa ayaa la xiray ka hor inta aan la soo saarin duulimaad ka soo baxayay Djibouti. Xildhibaanka ayaa shegay in uu aaminsan yahay in ay la xiriirto arintan xiriirka dhow ay la leeyihiin Shiinaha

Mr Loughton si weyn ayuu u dhaliilaa Beijing, waxa uuna ka mid ah koox xildhibaano UK ah oo Shiinaha ay cunaqabteyn saareen 2021-kii.

Afhayeenka rasmiga ee ra’iisulwasaaraha UK ayaa u sheegay wariyayaasha in uu aaminsan yahay in kiiskan ay ka siiyeen Mr Loughton taageero dhinaca la talinta ah, isla waqtigaas ay sidoo kale ku soo qaadeen dowladda Djbouti.

“Inkastoo ay xaq u leeyihiin in ay u diidaan in uu dalkooda galo hadana waxaan arintan ka weydiinay xog dheeri ah”

Mr Loughton ayaa hore BBC Radio 4 ugu sheegay in aysan jirin sabab dalka loogu diido. Wuxuu kaloo sheegay in si qof laga shakiyay oo kale loo fiiryay markii uu siinayay baasbarooksiisa qeybta socdaalka.

“Djibouti waa sida wadan hoostaga Shiinaha. Si weyn ayaan u dhaliilnay Shiinaha markii aan tageynay Somaliland, sababtuna waxay aheyd khatarta ay ku yihiin gobolka” ayuu yiri Mr Loughton

Afhayen u hadlya safaaradda Shiinaha ayaa u sheegay BBC in eedahaasi aysan sal laheyn.

Related posts

“Xildhibanada Qolal Ayaa Lagu Xidhay” Xildhibaan Qaasim Oo Si Adag Uga Hadlay Mooshinkii Golaha La Horkeenayay Ee Buray

Abdiaziz Bnnstaff

Qiimaha Lagu Kala Iibsado Kaluunka Ee Magaalada Muqdisho Oo Cirka Isku Shareeraya Iyo Sababta Keentay Oo La Shaaciyay

Abdiaziz Bnnstaff

Dhaqdhaqaaq Ciidan Iyo Xiisad Dagaal Oo Laga Dareemayo Deegaanada Xudoodka Somaliland Iyo SSC Khatumo

Abdiaziz Bnnstaff