Borama News Network

Dad caraysan oo Saldhig Booliis ku dhex dilay Nin ku eedaysan in uu Lo’ xaday

Dad caraysan oo deegaankoodu yahay Kinangop ee Ismaamulka Nyandarua ayaa la sheegay in ay dileen Nin ay soo xireen ciidamada ammaanka kuna eedaysan in uu xaday Lo’ sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah oo Warbaahinta xogtaan la wadaagay.

Ninkaan la dilay ayaa sababta saldhigga loo geeyay markiisii hore ahayd in su’aalo la waydiinayo maadaama uu ku eedaysan yahay in uu Lo’ ka xaday deegaankaan qabowga badan uu ka jiro si looga gungaaro kiiskiisa.

Booliiska oo eedaynta ugu wayn dusha ka koraysa ama raacaysa ayaa billaabay in uu soo xiro dadkaan qaarkood oo waxaa ku socda baaritaan ku saabsan falkaas argagaxa leh ay sameeyeen Dadkaas sida hadalka loo dhigay.

Baareyaal sare oo katirsan waaxda dambi baarista Booliiska Kenya ayaa kiiskaan dabagalay waxaana ay billaabeen in ay raad-raacaan nuqullada laga helayo gal-dacwadeedka marqaatigiisu ay noqon doonaan mas’uuliyiin katirsan Hay’adaha Amniga.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in Ninkaan Lo’da xaday lagala soo baxay goobtii ay ku xireen ciidamada booliiska ee markii hore soo qabtay balse nasiib-darro waxa ay dadka caraysan ay jebiyeen meeshii uu ku xirnaa ugu dambayn waa ay dileen.

Related posts

WARAYSI XAASAASI AH: Madaxwayne Biixi Oo Arimo Xasasiya Heshiiska Bada + Hawadi La Warejiyey & Xaladaha Ka Taagan

Abdiaziz Bnnstaff

Baadhihii Kiiska Ninka Xaaskiisa Gubay Oo La Waydiiyay Su’aalo Iyo Waxyaabihii Uu Ku Soo Arkay Goobta Dhacdada

Abdiaziz Bnnstaff

Booliska Jubaland oo gacanta ku dhigay koox arday ka tahriibineysay deegaannada maamulkaas

Abdiaziz Bnnstaff