Borama News Network

Qiimaha Lacagta Dalka Kenya Oo Kor Kacay Iyo Waxayaabaha Sababta Kor U Kacaasi Oo La Shaaciyay

Qiimaha Shilinka Kenya ayaa bishii 2-aad oo xiriira sameeyey soo kabasho xooggan, ka dib markii uu meeshii ugu hooseysey gaarey bishii Jannaayo ee sannadkaan, xilligaas oo $1 doollar lagu sarrifayey 161 Shiling.

Laakiin tillaabooyin door ah oo ay dowladda qaadday ayaa sababay in Shilinku uu soo ceshaday kala bar qiimihii uu lumiyey. Waxaana maanta $1 Doolar lagu sarrifayaa 131 Shilling.

Dadweynaha Kenya ayaa soo dhaweeyey sare u kaca ku yimid qiimaha lacagta Kenya, maadaama uu saameyn ku leeyahay noloshooda. Kenya oo ah dal waxa uu dibedda kala soo dego ay ka badan tahay waxa uu dhoofiyo, ayaa si weyn ugu tiirsan lacagta qalaad, gaar ahaan Doollarka oo dibedda wax looga soo gato.

Mar kasta oo uu yaraado Doollarka dalka soo gala, waxay dowladdu ku khasbanaataa in ay jabiso qiimaha Shilinka si loo helo lacag adag oo dalku dibedda uga soo adeegto. Marka lacagta dalku qiime beesho culeyska ugu badan wuxuu ku dhacaa dadweynaha, waayo haddii ganacsatadu wax ku soo gataaan lacag ka badan intii hore sarrifka kacay dartiis, waxay iyaguna qiimaha ku kordhay ku dallacaan alaabta suuqa taal.

Soo kabashada Shilinka Kenya ayaa loo aaneynayaa dowladda oo ku guuleysatey in ay Doollar badan dalka soo gelisey islamarkaana iska bixisay amaah lagu lahaa. Tillaabadan ayaa la filayaa in ay sicir bararka cirka sabeynaya wax ka tarto.

Related posts

Qofkii ugu horreeyay ee laga daweeeyo kansarka maskaxda ku dhaca oo muddo sanad kaddib ka caafimaad qaba cudurka

Abdiaziz Bnnstaff

“Dadkaygaan La Qabaa Inay Diidaan Saldhiga ,Xamar Baa Hadashay Dantooda Lagu Seejin Maayo”Xildhibaan Maxamed Abiib

Abdiaziz Bnnstaff

Hal Qof Oo Ku Dhintay God Uu Macdan Ka Qodanayay Oo Ku Dumay Gobolka Gabiley

Abdiaziz Bnnstaff