Borama News Network

Waa kuma 15 Jirka Muslimka Ah Ee Indha Dunida Soo Jiitey Ka Dib Tillaabo Geesinimo Leh Oo Uu Qaaday?

Wiil 15 sano jir ah oo u dhashay dalka Krgystan ee ku yaal bartamaha Asia, laguna magacaabo Islama Khalilov ayaa loo aqoonsaday halyey, ka dib markii uu dad ka badan 100 qof ka bedbaadiyey weerar argagixiso oo todobaadkii hore lagu qaaday meel filimada laga fiirsado oo ku taal magaalada Moosko.

Warbaahinta Ruushka ayaa soo bandhigtay Islam oo dadweyne argagaxsan ku hagaya albaab dambe oo uu u furay, ka dib markii koox dabley ah ay xoog ku galeen masraxa Crocus City ee caasimadda Ruushka, halkaas oo uu si ku meel gaar ah uga ahaa ilaalo.

Tillaabada geesinimada leh ee wiilkan qaaday, ayaa soo jiitey dareen dadweynaha Ruushka iyo warbaahinta caalamka, waxaana durba loo aqoonsaday halyey qaran, maadaama uu sabab u noqday in boqollaal qof ka baxsadaan koox hubeysan oo si arxan darro ah u gumaaday144 ruux.

Wiilkan Muslimka ah ayaa mar la weydiiyey sababta uu ugu dhiirradey in uu dadweynaha samatabixciyo halkii uu ka carari lahaa wuxuu sheegay in diintiisu fareyso in uu dadka dhiban u asxaan falo, taas oo wax weyn ka bedeshey aragtidii laga haystey Muslimiinta oo laga aaminsanaa argagixisonimo.

Islam Khalilov ayaa dadaalkisa nafhurnimada leh wuxuu ku muteystey billad geesi iyo lacag uu ka helay Muftiga Ruushka Ravil Gaynutdin, iyo dowladda dalkaas.

Sidoo kale naadiga SCK Moscow ee uu taageero ayaa garoonka ku casuumay, halkaas oo uu kula kulmay ciyaartoyda kooxda. Intaas kuma ekee waxaa wiilka la guddoonsiiyey tiket uu ciyaaraha kooxdu ku dheeleyso gurigeeda uu sannadkoo dhan lacag la’aan ku daawan karo.

Related posts

Ciidamada Midawga Africa Oo Dhamaantood Ka Baxaya Dalka Somaliya Iyo Xiliga Ay Baxayaan Oo La Shaaciyay

Abdiaziz Bnnstaff

Dab Ka Kacay Kaymo Ku Yaala Jili Oo Ay Ku Dhinteen 51 Qof Iyo Xogigii Ugu Dambeeyay Ee Dabkaasi

Abdiaziz Bnnstaff

Haayada Nabadsugida Iyo Sirdoonka Somaliya Oo Muqdisho Ka Soo Dejisay Ninkii Xaaskiisa Nolosha Ku Gubay

Abdiaziz Bnnstaff