Borama News Network

Agaasimihii Haayada Sirdoonka Somaliya Oo Xilka Laga Qaaday Iyo Xildhibaan Sanbaloolshe Oo Loo Magacaabay

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey magacaabista Agaasime cusub oo ay yeelatay Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaran ee NISA, xilkaas oo loo magacaabay Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Sanbaloolshe kuma cusba xilka maanta loo magacaabay oo wuxuu horay u soo qabtay labo jeer oo kala ah 2014 iyo 2017, wuxuuna beddelayaa Mahad Maxamed Salaad oo xilkan hayey tan iyo August 2022.

Mahad Salaad oo war kooban ka soo saaray xafiiskiisa ayaa u hambalyeeyey Agaasimaha cusub ee lagu beddeley, isagoo dhanka kale u Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha uga mahadceliyey fursadda ay siiyeen.

Mahad Salaad ayaa mudadii uu xilka NISA hayey wax weyn ka qabtay ammaanka caasimadda Muqdisho, asagoo ku guuleystey in uu yareeyo qaraxyadii magaalada ka dhici jirey.

Related posts

Daladii Ugu Horaysay Ee Gobolka Awdal Oo Si Rasmi Ah Ugu Biirtay Xisbiga Wadani

Abdiaziz Bnnstaff

Waan Aqbaly Waraaqda Wasiirku Ugu Soo Igu Soo Socodsiiyay” Maayir Ku Xigeenka Gabilay

Abdiaziz Bnnstaff

Booliska Somaliya Oo Sheegay In Ay Gacanta Ku Soo Dhigeen Ninkii Muqdisho Xaaskiisa Ku Dilay

Abdiaziz Bnnstaff