Borama News Network

Warmurtiyeed: Maxay Ku Heshiiyeen Dowladaha Soomaaliya Iyo Sacuudiga?

Madaxda Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa ku heshiiyay dhowr qodob oo laf-dhabar ay u yihiin dhinacyada Dhaqaalaha, Difaaca, Garab istaagga Soomaaliya, Tamarta iyo kuwo kale sida ku xusan warmurtiyeedka kasoo baxay kulankaas.

Halkaan ka aqriso warmurtiyeedka oo Villa Somalia daabacday:

1-Dhaqaalaha, Maalgashiga iyo Ganacsiga;

Labada Dowladood ee Soomaaliya iyo Sucuudiga waxay adkeeyeen kobcinta isdhaafsiga dhaqaalaha iyo maalgashiga, gaar ahaan Beeraha, Xoolaha, Khayraadka Badda, Dekadaha iyo isu-socodka, iyagoo bogaadiyey kororka ku yimid isdhaafsiga ganacsiga Labada dal oo sannadkii 2022-kii oo ka batay 105% inta uu joogay sannadkii 2021-kii.

2-Difaaca iyo Amniga;

Dowladda Boqortooyada Sucuudigu waxay muujisay in ay garab taagan tahay howlgallada dowladda Soomaaliya ay dalka kaga xoreynayso argagixisada, waxayna ugu baaqday beesha caalamka in lagu garab istaago Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada kaas oo ay ka soo hooyeen guulo la taaban karo, sidoo kale Sucuudigu waxay soo dhaweeyeen qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee cunaqabataynta hubka lagaga qaaday Soomaaliya, kaas oo fududaynaya dib u dhiska iyo qalabaynta Ciidamada Soomaaliyeed.

3-Madaxbannaanida Soomaaliya;

Boqortooyada Sucuudi Carabiya waxay cadeysay sida ay u garab taagan tahay midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo tilmaamay gafka iyo dhibaatada heshiiska sharci darrada ah ee Itoobiya ay la saxiixatay Maamulka Soomaaliland, kaas oo caqabad ku ah daris-wanaagga iyo xasilloonida Gobolka.

4-Tamarta, Shidaalka iyo Isbeddelka Cimilada;

Labada Dowladood waxay isla qaateen in ay ka yeeshaan iskaashi dhow, iyadoo dowladda Soomaaliya ay ku ammaanatay Boqortooyada Sucuudiga doorka hoggaamineed ee ay ka qaadanayso isu-dheelli-tirka suuqa caalamiga ah ee shidaalka iyo hiigsiyada ku aaddan Bariga Dhexe oo cagaar ah, kaas oo lagu wajahayo saameynta isbeddelka cimilada.

5-Boqortooyada Sucuudigu waxay bogaadiyeen horumarka dowlada ay ku tallaabsatay, gaar ahaan deyn cafinta oo ku timid hufnaanta maaliyadeed iyo dib u habayn dhaqaale oo ay sameysay dowladda Soomaaliya, waxayna muujiyeen Boqortooyadu muhiimadda cafinta deynta oo horseedaysa in lagu kalsoonaado, lalana falgalo hay’adaha maaliyadda Soomaaliya.

6-Labada dowladood waxay ku heshiiyeen in la xoojiyo iskaashiga ku aaddan arrimaha tamarta iyo korontada, dalagyada iyo dawada beeraha, duulimaadyada tooska ah, isgaarsiinta iyo tiknaloojiyada, nidaamka cadaaladda iyo garsoorka, waxbarashada, ciyaaraha iyo guud ahaan arrimaha bulshada.

Related posts

Hay’adaha Ammaanka Puntland oo Boosaaso ka baadi-goobaya Rag hubaysan oo Dilay Nin Ganacsade ah

Abdiaziz Bnnstaff

Deg Deg:- Cabdirashiid Janan Oo La Xaqiijiyay In Uu Noolyahay Ka Dib Markii In Mudo Ah La Laa

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwaynihii Hore Ee Maraykanka Donald Trump Oo Guulo Ka Gaadhay In Uu Mar Kale U Tartamo Madaxtinimada Maraykanka

Abdiaziz Bnnstaff