Borama News Network

Dadka Maraykanka, Kanada Iyo Maksiko oo heegan u galay daawashada qorrax-madoobaad maanta la saadaalinayo.

Dadka ka shaqeeya goobaha lagu raad-raaco cilmi falaga ayaa sii saadaaliyay qorrax madoobaad isniinta maanta ah ka lagu arkayo Dalalka Xad-wadaagga ah ee dhaca Waqooyiga Qaaradda Afrika ee kala ah Maraykanka, Kanada iyo Maksiko.

Malaayiin qof oo ku kala nool saddexdaas Dal ayaa haatan sii billaabay in ay raadsadaan qalabka caafimaad ahaan loo ogol yahay in lagu eego marka uu dayaxa ama caddeeda madoobaan si looga fogaado waxyeellada ka dhalan karta haddii si caadi ah loo fiiriyo.

Dadka ku nool marinka qorraxdu ku socoto ayaa la sheegay in fursad wayn u heli doonnaan cad-ceeda oo is baddeshay isla markaana wareegga oo keliya ka ifayso inkasta oo aanay la shaacin muddada ay fursad ahaan u haystaan.

Qorrax iyo Bisha waxa ay leeyihiin Iftiin dabiici ah oo dadka ay ka faaiidaystaan waxaana dhowrkii sano mar la arkaa iyaga oo doorsooma ama madoobaada, xiligaas waxaa yaraanaya oo hoos u dhacaya iftiinkii ay bixinayeen.

Muslimiinta marka ay arkaan calaamadaas waxa ay dukadaan Salaado iyaga oo alle ka barya in Cadceedda iyo Dayaxa Iftiinkooda soo laabto halka Dadka aaminsan diimaha kale ay ku dhaqaaqaan sawirro ay ka qaadaan ama in ay raadsadaan aaladaha lagu eego.

Related posts

Dowlada Somaliya Ku Dhawaaqday In Ay Iska Difaaci Doonto Itoobiya Hadii Ay Ku Adkaysato Fulinta Heshiiskii Ay La Gashay Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Ucid Oo War Ka Soo Saaray Heshiiska Somaliland Iyo Dowlada Itoobiya Iyo Xeerka Doorashooyinka

Abdiaziz Bnnstaff

35 Xubnood Oo Lagu Soo Eedeeyay Budhcad Badeed Somaliyeed Oo Lagu Maxkamadaynayo Dalka Hindiya

Abdiaziz Bnnstaff