Borama News Network

Qaar ka mid ah duulimaadyada caalamiga oo maanta baaqday xilli ay soo baxeen digniino amni

Warsaxaafadeed ka soo baxay Safaaradda Maraykanka ee Nairobi ayaa lagu sheegay inay heshay xog ku saabsan halis ku aaddan dhowr goobood oo ka mid ah Muqdisho oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde International Airport.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay Safaaradda oo lagu baahiyey Bogga Facebooka ee Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in muwaadiniinta u dhashay dalkaas ay joojiyaan dhammaan dhaqdhaqaaqyadii shaqo ee Safaaradda.

Waxay shegtay in darajada afraad ee muujisa heerka halista soo waajahan oo ah halbeeg ay adeegsato Wasaaradda Airmaha Dibedda ee Maraykanka inay shaqaynayso, sababtooo ah fal-dambiyeedka, falalka argagixsada, shaqaaqooyinka, arrimo caafimaad, aduub iyo burcad badeednimo oo dhici kara.

Digniinta ka soo baxday Safaaradda Mareykanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in weeraro ay ka dhici karaan qaar ka mid ah xarumaha dowladda, taas oo aysan carbaabin balse waxa ay digniinteeda ku xustay in laga dheeraado goobaga la’isugu yimaado.

Warka digniinta ee ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ayaa sababay in Duulimaadyadii caalamiga ahaa ee maanta imaan lahaa garoonka Aadan Cadde Adde ee Muqdisho ayaa la joojiyey, xilli dowladda Soomaaliya aysan weli ka hadlin.

Diyaaradaha Turkiga, Imaaraatka & Qatar ayaa joojiyey maanta duulimaadkooda, iyadoo wali aysan kala cadeyn shirkada Itoobiya oo jadwalkeeda wali dhegan yahay, Qatar Airways ayaa gaartay Jabuuti oo ay halkaas uga soo gudbi jirtay magaalada Muqdisho.

Related posts

Xildhibaanada Laga Soo Doortay Gobolka Awdal Oo Bayaan Culus Ka Soo Saaray Xaalada Siyaasiyaad Ee Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Turkiga Oo Balan Qaaday In Uu Difaaci Doonto Xoriyada Soomaaliya

Abdiaziz Bnnstaff

Tirada Dadka Ku Nool Dalka Jabuuto Oo Gaadhay1 Milyan Oo Qof Iyo Dowlada Oo War Ka Soo Saartay

Abdiaziz Bnnstaff