Borama News Network

Madaxwayne Xasan Sheekh Oo Xilalka u Kala Wareejiyey Agaasimaha Cusub Ee NISA Iyo Agaasimihii Hore Ee Hay’adda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay munaasabad ay xilka kula kala wareegayeen Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee dhawaan la magacaabay Cabdullaahi Maxamed Cali (Shanbaloolshe) iyo Agaasimihii Hore, Mahad Maxamed Salaad.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Taliyihii Hore ee Hay’adda Mudane Mahad Salaad dadaalka uu ku bixiyey horumarinta shaqada Hay’adda, isagoo u rajeeyey Taliyaha cusub in uu ka soo dhalaalo waajibaadka adag ee horyaalla.

<“Qaranka Soomaaliyeed ayaad u shaqeysaan ee uma shaqeysaan Agaasime tagay iyo mid yimid, waa in aad kalsooni galisaan shacabka oo aad soo dhoweysataan. Shaqada noo taala waa dagaalka Khawaarijta oo ay tahay in aan dhammaanteen wadajir ugu istaagno”.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ka hadlay muhiimadda Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranku ay u leedahay qorshaha xoreynta dalka, waxa uuna sheegay in ay horseed u ahayd dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada dalka.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray dhismayaasha qaybta Sirdoonka iyo Akadeemiyadda Jilicoow ee Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo qaab casri ah loo dhisay.

Related posts

Raisul wasaare Xamza Abdi Barre” Soomaaliya Waxa Ay Ku Socotaa Wadadii Hormarka Iyo Nabada”

Abdiaziz Bnnstaff

Suuqan Wayn Ee Bakaaraha Ee Muqdisho Oo Saaka Xidhan Iyo Sababta

Abdiaziz Bnnstaff

Dagaal Yahanada Falastiin Oo Gantaalo Ku Garaacay Isreal Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya Gantaalada

Abdiaziz Bnnstaff