Borama News Network

Qaar ka mid ah duulimaadyada caalamiga oo maanta baaqday xilli ay soo baxeen digniino amni

Warsaxaafadeed ka soo baxay Safaaradda Maraykanka ee Nairobi ayaa lagu sheegay inay heshay xog ku saabsan halis ku aaddan dhowr goobood oo ka mid ah Muqdisho oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde International Airport.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay Safaaradda oo lagu baahiyey Bogga Facebooka ee Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in muwaadiniinta u dhashay dalkaas ay joojiyaan dhammaan dhaqdhaqaaqyadii shaqo ee Safaaradda.

Waxay shegtay in darajada afraad ee muujisa heerka halista soo waajahan oo ah halbeeg ay adeegsato Wasaaradda Airmaha Dibedda ee Maraykanka inay shaqaynayso, sababtooo ah fal-dambiyeedka, falalka argagixsada, shaqaaqooyinka, arrimo caafimaad, aduub iyo burcad badeednimo oo dhici kara.

Digniinta ka soo baxday Safaaradda Mareykanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in weeraro ay ka dhici karaan qaar ka mid ah xarumaha dowladda, taas oo aysan carbaabin balse waxa ay digniinteeda ku xustay in laga dheeraado goobaga la’isugu yimaado.

Warka digniinta ee ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ayaa sababay in Duulimaadyadii caalamiga ahaa ee maanta imaan lahaa garoonka Aadan Cadde Adde ee Muqdisho ayaa la joojiyey, xilli dowladda Soomaaliya aysan weli ka hadlin.

Diyaaradaha Turkiga, Imaaraatka & Qatar ayaa joojiyey maanta duulimaadkooda, iyadoo wali aysan kala cadeyn shirkada Itoobiya oo jadwalkeeda wali dhegan yahay, Qatar Airways ayaa gaartay Jabuuti oo ay halkaas uga soo gudbi jirtay magaalada Muqdisho.

Related posts

Maxaabiistii Ugu Badnayd Oo Laga Siidaynayo Xabsiyada Somaliland Ka Dib Markii Uu Madaxwayne Muuse Biixi Cafis U Fidayay

Abdiaziz Bnnstaff

Isreal Oo Ku Kala Qaybsantay Talaabada Ay Qaadi Lahayd Iyo Iiran Oo Qorshe Cusub Dejinaysa

Abdiaziz Bnnstaff

Daawo Xogihii Ugu Dambeeyay Ee Hishiiskii Dhex Maray Madaxwayne Muuse Biixi Iyo Raysal Wasaare Abiy Ahmed

Abdiaziz Bnnstaff