Borama News Network

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ku baaqday in la qaboojiyo xiisadda ka taagan bariga dhexe

Wasaaradda arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal ay soosaartay waxa ay ku baaqday in xal degdeg ah loo helo xiisadda ka ololaysa Bariga Dhexe.

Wasaaraddu waxa ay sheegtay in ay garab taagan tahay dhinaca nabadda isla markaana codkeeda ay ku biirinayso dhinacyada soo jeedinaya in wadahadal lagu dhammeeyo ama lagu soo afjaro dagaalka gacan-qaadka gaaray.

Marka kale ayay Soomaaliya ku celisay in mowqifkeeda ah in Dowlad ay hesho Falastiin ay si buuxda u ayidsan tahay si ay Shacabku uga baxaan xaaladaha adag ay wajahayaan sida loo dhigay warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS.

Xiisadda soo jiitamaysay ee u dhaxaysay Iiraan iyo Israaiil ayaa isku rogtay mid gacan ka hadal ah kaddib markii Yuhuuddu ay beegsatay saraakiil katirsan Dowladda Kacaanka halka Tehran ay habeen kahor bixisay jawaab oo waxa ay duqaysay Israaiil.

Waxaa laga cabsi qabaa in Colaadda Bariga Dhexe oo muddo dheer taagan marka laga tusaale qaato tan iyo markii uu billowday dagaalka u dhaxeeya dhinacyada is diidan uu isu baddelo dagaal wayn oo saamayntiisa wata.

Related posts

Deg deg Beesha Garxajis Oo Nabad Qaadatay Diidayna Dagaal Ka Dhaca Gobolka Sanaag .

Abdiaziz Bnnstaff

Culimada Iyo Ganacsadata Waawayn Ee Somaliland Oo Baaq Cusub Soo Saaray

Abdiaziz Bnnstaff

“Xasan sheekh danaha somaliland ma matalo, jidkii aqoonsiga ayaanu qaadnay ” Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Ciise Kayd

Abdiaziz Bnnstaff