Borama News Network

Xubin Ka Tirsan AS Oo isku Soo Dhiibay Ciidank Xoogga Dalka

Soomow Ibraahim Iidow oo ahaa xubin ka tirsan Al-Shabaab ayaa saaka isku soo dhiibtay taliska guutada 8aad qeybta 60aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, sida lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay warbaahinta dowladda.

Warka ka soo baxay warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in Soomow uu muddo 5 sano oo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa u qaabilsanaa qeybta Jabhadaha, sida lagu sheegay warka ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Isasoo dhiibista Soomow Ibraahim Iidow ayaa ku soo beegmaysa xilli guud ahaan dalka uu ka socday bilihii la soo dhaafay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo u dhaxeeyey ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaan macawiisleyda oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay cafis u fidisay xubnaha ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo doonaya in ay isasoo dhiibaan.

Related posts

” Madaxweyne Fataatiiro Ciyaarka inaga daayo Doorasho qabo ” Xildhibaan Guruuje Oo Fariimo Culus U Diray Madaxwayne Muuse Biixi.

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Xasan Sheekh Oo Booqday Masjidka Barakaysan Ee Nabiga Ee Magaalada Madiina

Abdiaziz Bnnstaff

Baaqa Jaaliyada Reer Awdal Ee Ireland Ee Damaca itoobiya Ee Xeebaha Awdal

Abdiaziz Bnnstaff