Borama News Network

In Ka Badan 1.5 Milyan Oo Falastiiniyiin Ah Oo Guryo La’aan ku Haysato Magaalada Gaza.

Sida lagu sheegay xog-baaris hordhac ah oo lagu sameeyay xaaladda guryo la’aanta ah ee ka jirta Magaalada Gaza waxaa In ka badan 1.5 Milyan oo ruux guryo la’aan ay ku haysataa Magaaladaas kaddib markii ciidanka Israaiil ay burburiyeen guryahooda.

Xaafadaha qaar waxa ay ciidanka Israaiil ka dhigteen difaacyo ay uga gabbaadaan gantaallada iyo rasaasta culus ee uga imaanaysa dhinaca dhaqdhaqaaqyada iska caabbinta Falastiin ee dagaalka xooggan kala soo hortagay ciidankaan Yuhuudda.

Warbixin lagu daabacay Teleefishinka Aljazeera waxaa lagu sheegay in Dad badan ay dayacan yihiin isla markaana ay u baahan yihiin guryo ay degeen balse lagu heli karo in ciidamada Yuhuudda ay joogaan duqaymaha ay gaysanayaan & in ay dib ugu durgaan goobaha ay joogaan.

Khubarro kala duwan oo qaarkood u shaqeeya Qaramada Midoobay ayaa warbixinno kala duwan oo dhanka Bani aadamnimada ah ka diyaariyay xaaladda dhabta ah ee Shacabka Magaalada Gaza iyaga oo la wadaagay madaxda ay hoostagaan.

Inkasta oo Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay horay ay Ciidanka Israaiil ugu diideen in uu ka gudbo Marinka Rafax si uu usoo arko xaaladda dhabta ah ee Magaalada Gaza haddana waxa uu dhaliilay duqaynta iyo duullaanka Yuhuudda.

Related posts

“Cadawga Dibadda iyo War Xumo Tashiilka Dadka Somaliland Isku Diraya Waa In ….” Siyaasi Ramaax

Abdiaziz Bnnstaff

Lataliyaha Amniga Qaranka Ee Mareykanka oo ka digaya ‘tallaabooyin dheeri ah’ oo laga sameynayo Bariga Dhexe

Abdiaziz Bnnstaff

Soomaalida Ku Sugan Jarmalka Oo La Shaaciyay Gobollada Ugu Badan Ee Soomaaliya Ee Ay Ka Kala Yimaadeen

Abdiaziz Bnnstaff