Borama News Network

Maraykanka oo hor-istaagay in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto Qaramada Midoobay

Maraykanka ayaa Khamiistii codka diidmada qayaxan u isticmaalay qaraar ay soo diyaarisay Qaramada Midoobay, kaas oo jidka u xaadhaya in xubinimo buuxda la siiyo dawlad ay leeyihiin Falastiiniyiintu.

Qaraarkan oo la horgeeyey golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaa taageeray 12 xubnood, waxaa ka aamusay laba xubnood halka Maraykankuna uu ka soo horjeestay.

Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa dhinaca kale ku dhawaaqay inay cunaqabatayno cusub ku soo rogayaan Iran. Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa, iyada oo hoggaamiyayaasha Midawga Yurub oo ku shirsan Brussels ay wacad ku mareen inay kordhinayaan cunaqabataynada ay saarayaan Iraan, iyaga oo bartilmaameedsanaya nidaamka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada ay geeyaan meelaha ay ka hawlgalaan ururada gacansaarka la leh sida Gaza, Yemen iyo Lubnaan.

Cunaqabataynta Maraykanka ayaa bartilmaameedsanaysa shakhsiyaadka iyo shirkadaha soo saara mishiinada ay isticmaalaan diyaaradaha yaryari iyo weliba dhinacyada soo saara birta loo adeegsado.

AP

Related posts

Reer Awdal Qado Iyo Bariis Ugana Baahna Xukuumada Ee Waxqabad Ayay U Baahanyihiin” Afhayeenka Xisbiga Wadani

Abdiaziz Bnnstaff

Shiinaha oo lagu tilmaamay inuu door ka qaadan karo xal u helidda dagaalka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine

Abdiaziz Bnnstaff

“Ninka Doonaya Inuu Ceerigaabo Calan Kale Ka Taagow Soo Dhawoow Waxaad Ka Heshana ” Xildhibaan Cabdikaraiim Meecaad

Abdiaziz Bnnstaff