Borama News Network

Taliyihii Ciidamada Dalka Kenta Iyi Saraakiil sarsare Oo Ku Geeriyooday Shil Diyaaradeed

Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa sheegay in taliyihii ciidamada milateriga ee dalkaasi iyo sagaal qof oo kale inay ku dhinteen shil diyaaradeed oo dhacay Khamiistii.

Taliye, General Francis Ogolla ayaa geeriyooday ka dib markii ay burburtay diyaarad nooca sida qumaatiga u kaca ah, oo ay saarnaayeen 11 qof. Waxaana shilkaas diyaaradeed ka badbaaday laba qof oo haatan lagu dabiibayo cusbitaalada Kenya.

Diyaaraddan Helicopter-ka ah ayaa burburtay daqiiqado yar ka dib markii ay kacday, waxaana la arkayey dab iyo qiiq badan oo hadheeyey goobta shilku ka dhacay oo ku taalla agagaarka Rift Valley, sida ay baahisay warbaahinta gudaha ee dalkaasi.

Madaxweyne Ruto oo warbaahinta la hadlay ayaa dhacdadan ku tilmaamay inay tahay masiibo qaran.

“Dalkeena hooyo wuxuu maanta waayey mid ka mida taliyayaashii ugu wanaagsanaa” sidaas waxaa sheegay madaxweynaha.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay Madaxweynaha, ciidamada qaranka iyo shacabka Jamhuuriyadda Kenya, kadib markii uu galabta shil diyaaradeed ku geeriyooday Taliyihii Ciidamada Difaaca Kenya Lt. General Francis Ogolla.

Related posts

Daah Furka Adeega 5G Ee Shirkada TELESOM Oo Madaxweyne Ku Xigeenku Furay

Abdiaziz Bnnstaff

Tirada dadka ku dhaawacmay dhul gariir ka dhacay Taiwan oo dhaaftay 1,000 qof

Abdiaziz Bnnstaff

Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani Oo War Ka Soo Saaray Arimaha Doorashiiyinka Iyo Xaalada Guud Ee Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff