Borama News Network

Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Mareykanka oo burburiyay doonyaha Xuutiyiinta ee ku sugan Badda Cas kadib markii ay isku dayeen afduub

Ciidamada Badda Mareykanka ayaa burburiyay Doomaha yar yar ee Xuutiyiinta oo isku dayay in ay fuulaan Markab Konteenar ah oo marayay Badda Cas.

Afar doon oo ka yimid deegaanada Xuutiyiinta Yemen ay ka taliyaan ayaa rasaas ku furay markabka Maersk Hangzhou, waxayna soo gaareen meel mitir u jirta markabka, sida ay sheegeen militariga Mareykanka.

Diyaarado Helicopters ah oo ka yimid maraakiibta dagaalka ee Maraykanka ee u dhowaa ayaa ka jawaabay baaqa ay u soo dirsadeen dadki markabkaas saarnaa.

Saddex ka mid ah ayaa quusay “iyaga oo is difaacaya”. kooxdii saarneyd ayaa la dilay, waxaana meesha ka baxsatay doonidii afaraad.

Xuuthiyiinta ayaa tan iyo bishii November weeraro ku qaadayay maraakiibta ku sugan badda cas.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Nairobi kula kulmay Geelle Iyo William Ruto

Abdiaziz Bnnstaff

Inaaderkay Xassan Gaafaadhi Waxaan Ku Idhi Xaragada Imaatinka Boqor Buurmadaw Qaata Ama Xanuunkeeda. Maxamuud Xaashi

Abdiaziz Bnnstaff

Sharcigaanu La Tiigsanayna Raga Dilaaliinta Ah Ee Warqada Siciid Sulub Kursiga Ku Xil Ilkacase

Abdiaziz Bnnstaff