Borama News Network

Wadamada Galbeedka Afrika ee Benin, Liberia iyo Sierra Leone oo bilaabay tallaalka cudurka duumada

Benin, Liberia iyo Siera Leone ayaa bilaabay ol’ole ballaaran oo dhalaanka looga tallaalayo xanuunka duumada Khamiistii shalay ahayd, taas oo qayb ka ah barnaamijka Afrika ee lagu doonayo in lagu badbaadiyo tobannaan kun oo caruur ah sanad kasta qaaradda Afrika.

Sedexdan dal ee galbeedka Afrika ku yaala ayaa noqonaya kuwii ugu dambeeyay ee ka qaybgala barnaamijka dhalaanka looga tallaalayo duumada, kaas oo si guul leh looga fuliyay wadamada Burkino Faso, Cameroon, Ghana, Kenya iyo Malaawi, sida warbixinteeda ay ku sheegtay Hay’adda Tallaalka Dunida ee GAVI.

Ogolaanshiyaha Ururka caafimaadka aduunka ee tallaalkan ayaa ka dhigan in lagu garab wado dadaalladii horey u jiray ee maro kaneecada si loola tacaalo Duumada, taas oo Afrika ku disha sanad kasta ku dhawaad nus milyan caruurra oo da’doodu ka hooseyso shan sano.

‘’Tani waxa ay gacan ka geysan doontaa badbaadinta nafaf badan, waxayna nasteexo u noqon doontaa qoysas, bulshooyin iyo meellaha hannaanka caafimaad uu adag yahay,’’ ayuu yiri Aurelia Nguyen oo ah sarkaal ka tirsan GAVI.

Benin waxa ay haysataa 215,900 oo doos oo tallaalka duumada ah, taas oo loo heli karo dhalaanka 5 bilood jira, sida ay sheegtay GAVI.

Sierra Leone waxa ay haysataa 550,000 oo doos, dalka dariska la ahna ee Liberia waxa uu haystaa 112,000 oo doos.

Related posts

Dabley Hubaysan Oo Waqooyinka Magaalada Gaalkacyo Ku Dishay Ganacsade Caan Ah

Abdiaziz Bnnstaff

Lataliyaha Amniga Qaranka Ee Mareykanka oo ka digaya ‘tallaabooyin dheeri ah’ oo laga sameynayo Bariga Dhexe

Abdiaziz Bnnstaff

“Bulshadu Waa Inay Ka Faa’iidaysataa Biyaha Roobka” Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxman Saylici

Abdiaziz Bnnstaff