Borama News Network

Madaxweynaha Dalka Faransiiska Oo Ka Digay Halis Kusoo Wajahan Yurub Maxayse Tahay Halistaasi

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa ka digay in Midowga Yurub ay soo food saarto halis aad u weyn tobanka sano ee soo socoto, xilli qalalaase uu ka jiro caalamka.

Waxa uu sheegay in Yurub casri ah ay tahay ‘mid dhamaatay ‘ ayna dhiman karto, isagoo ku boorriyay inay xaqiijiso ammaankeeda.

Mr Macron wuxuu ammaanay tallaabooyinka loo qaada midnimo ballaaran oo Yurub ah gaar ahaanna dhinacyada qaar oo ay ku jiraan arrimo ay ka mid yihiin maaliyadda iyo caafimaadka.

Laakiin waxa uu sheegay in dib u hubaynta Yurub ay aad gaabis u tahay, qaabkeeda dhaqaalana aanu ahayn mid fadhiya.

Hadaladiisa ayaa kusoo aaday ka hor doorashooyinka Yurub ee horaanta bisha June.

Related posts

Faah faahin: Duqeyn Diyaaradeed oo ka Dhacday Duleedka Degmada Galcad.

Abdiaziz Bnnstaff

Cid Saldanada Ka Qaadi Kartaa Suldaan Xasan Ma Jirto Ilaahay Uun Baa Ka Qaadi Kara” Ugaas Koosaar

Abdiaziz Bnnstaff

Milatariga,sirdoonka Iyo Booliskuba”Saxaafadii Hargaysa Oo Si Adag Uga Hadlay Xadhiga Ilig Iyo Tacdi

Abdiaziz Bnnstaff