Borama News Network

Faah faahin: Duqeyn Diyaaradeed oo ka Dhacday Duleedka Degmada Galcad.

Diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka loo yaqaan ayaa xalay duqeyn ka fulisay duleedka degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug, halkaasi oo la sheegay inay ku sugnaayeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in duqeynta lagu beegsaday saldhig sida la tilmaamay ay joogeen xubno kamid ah Al-Shabaab, isla markaana waxaa duqeyntaasi ka dhacday duleedka degmada Galcad ka dhashay khasaaro kala duwan.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in weerarkan lagu burburiyay goobaha la duqeeyay, uuna jiri khasaaro, inkastoo aysan faah faahin intaas ka badan oo aan laga bixin weerarka dhanka cirka ah ee xalay dhacay.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidanka xoogga oo kaashanaya kuwa deegaanka ee macwiisleyda ay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka wadaan qaybo badan oo kamid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka.

Si kastaba, ha’ahaatee Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa howlgallo culus oo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ka socdeen gobollada dhexe ee dalka, kuwaas oo lagu xoreeyay dhul ballaaran oo markii ay hore ay ku sugnaayeen Shabaabka.

Related posts

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Oo Sheegay In Damaca Itoobiya Ee Bada Somaliya Uu Fursad u Noqon Karo ‘AS’.

Abdiaziz Bnnstaff

Ciidankii Yuhuuda Oo Ku Hongoobay Dagaalkii Qaza Iskagana Yaacay Qaybo Ka Mid Ah Magaalada

Abdiaziz Bnnstaff

Raysal Wasaaraha Isreal Oo Diiday Xabad Joojin Ay Soo Jeediyeen Ururka Xamaas

Abdiaziz Bnnstaff