Borama News Network

150 Qof Oo Ku Dhimatay Daadad Iyo Dhul Go’ Ka Dhacay Dhacay Dalka Tansaaniya

Ugu yaraan 155 qof ayaa ku dhimatay daadad iyo dhul go’ ka dhacay Tanzania kadib roobab mahiigaan ah oo ka dhashay El Niño, sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha Tanzania.

Kassim Majaliwa ayaa ka digay in roobabku ay sii socon doonaan illaa bisha May, wuxuuna ku boorriyay qoysaska inay ka baxaan meelaha ay fatahaaduhu saameeyeen.

Ku dhawaad​​ 200,000 oo qof iyo in ka badan 51,000 oo qoys ayey durba saameysay masiibadan, ayuu raaciyay hadalkiisa.

Roobab mahiigaan ah ayaa sidoo kale ka da’ay dalalka dariska ah ee Kenya iyo Burundi, kuwaas oo dhibaato bani’aadannimo ka geystay gobolka.

Related posts

Maxay Hogaamiyayaasha Dunidu Ka Yidhaahdeen In Joe Biden Ka Hadho Tartanka Doorashada Maraykanka ?

Abdiaziz Bnnstaff

Koomishanka Dooroshooyinka oo ka hadlay halka ay marayso tirinta codaadka ee Boorama.

Abdiaziz Bnnstaff

Dawladda Soomaaliya Oo Faah-Faahisay Heshiis Dhanka Difaaca Ah Ee Ay La Saxiixatay Maraykanka

Abdiaziz Bnnstaff