Borama News Network

Webiga Shabeelle Oo Laga Cabsi Qabo In Uu Ku Fataho Baladweyne Iyo Digniin Loo Diray Dadka Degen Agagaarka Wabiga

Cabsi xooggan oo ka dhalatay biyaha sii kordhaya ee Webiga Shabeelle ayaa ka taagan Magaalada Baladweyne xarunta Gobolka Hiiraan iyo Deegaannada kale ee u dhow maadaama dhowr jeer oo horay uu ku fatahay.

Qoysas badan oo degen hareeraha Webiga Shabeelle ayaa billaabay in ay isaga guuraan si ay u raadsadaan meelaha ay u arkaan in ay uga badbaadi karaan haddii uu Webigu karkaarada jabsado mar haddii uu biyo badan keenay.

Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA ayaa digniin gaarsiisay Dadka degen meelaha biyo mareennada ah, Goobaha webiyada u dhow iyo meel weliba oo halis nafeed dhalin karta.

Roobka Guga ayaa horraantii bishaan Abriil curtay waxaana durba billowday daadad xooggan oo ka dhashay xareedda Roobka, qoysaska inta badan barakaca samaynaya waxa ay dhowaan dib ugu laabteen deegaannadooda.

Mas’uuliyiin katirsan Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka SODMA ayaa kormeeray qaar kamid ah Xeryaha Barakacayaasha, goobaha fatahaadu ka dhacaan iyo xarumaha Dowlad-Goboleedyada si loo xoojiyo iskaashiga looga hortagayo halista muuqata.

La soco wixii kordha

Related posts

Ruushka Oo Weerarro Loo Adeegsaday Gantaallo Ku Qaaday Ukraine

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Somaliya Oo Si Adag Uga Hadashay Dagaal Maanta Ka Dhacay Magaalada Kismaayo

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dib ugu laabtay furimaha Dagaalka

Abdiaziz Bnnstaff