Borama News Network

Xuutiyiinta Dalka Yeman Oo Beegsaday Markab Laga Leeyahay Ingiriiska

Xuutiyiinta Dalka Yemen ee muddooyinkii dambe beegsanayay Maraakiibta u socota dhinaca Israaiil, kuwa ay leedahay iyo kuwa sida gaar ah ugu adeega waddamada reer galbeedka ee xulufada la ah Tel Aviv ayaa weerar ku qaadday Markab laga leeyahay Dalka Ingiriiska.

Afhayeenka Xuutiyiinta Yemen Yaxya Sariic ayaa fariin uusoo diray ku sheegay in Markabkaan uu kasoo baxay Primorsk ee Dalka Ruushka kuna sii jeeday Magaalada Vadinar ee Dalka Hindiya waxaana soo gaaray waxyeello.

Markabkaan oo laga leeyahay Ingiriiska ayaa watay Calanka Panama balse Xuutiyiinta oo helay xogtiisa ayaa ku beegsaday Badda Cas kaddib markii gantaallo laga soo tuuray dhinaca gudaha Jamhuuriyadda Yemen.

Maraykanka ayaa soo gudbiyay xog ka duwan tan Xuutiyiinta inkasta oo uu qiray in weerarkaan uu dhacay, waxa uu sheegay in saddex gantaal oo ah nooca balaastiga ah oo laga soo tuuray Gudaha Yemen lagu dhuftay markabka Andromeda Star oo soo gaartay waxyeello yar.

Washington ayaa intaas ku dartay in Markab kale oo lagu magacaabo MV Maisha uu ku habsaday gantaal kamid ah kuwa ay tuureen Xuutiyiinta Yemen sidoo kale waxyeello kale soo gaarsiiyay balse marka bartilmaameedka ah ay horay isaga iibisay Dowladda Ingiriiska.

Xuutiyiinta Yemen ayaa shuruudda keliya ay ku xirtay joojinta weerarada dhinaca Badda ka dhigtay in Israaiil ay joojiyo tacadiga ay ka gaysanayso Dhulka Falastiin, haddii ay ka dhega-furaysato arrintaan weerarrada ay sii wadayaan.

Related posts

DAAWO:- Dhegaysiga Kiiska Ninka Loo Haysto Dilka Xaaskiisa Ee Maxakmada Racfaanka Somaliya

Abdiaziz Bnnstaff

“Dawladda Xamar Ayaa Dishay Wiilkaygii Cabdinaasir”Aabaha dhalay Cabdinaasir Muuse Dahable

“Madaxweyne Biixi Waxanu Ku Heshiinay In Doorashadu Wakhtigeedi Ku Dhacdo….Gudoomiye Faysal Cali Waraabe

Abdiaziz Bnnstaff