Borama News Network

Qaramada Midoobey: 14 sano Ayey Qaadan Doontaa si Loo Nadiifiyo Qasa

Buruburka faraha badan ee uu ka tagay dagaalka Qasa, oo ay ku jiraan walxo aan qarxin, ayaa qaadan kara afar iyo toban sano si loo nadiifiyo, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay.

Per Lodhamar, oo ah sarkaalka Qaramada Midoobay u qaabilsan wax ka qabadka miinada, ayaa sharaxay in dagaalku uu ka tagay qiyaastii 37 milyan oo tan oo burbur ah qaybaha dadku ku badan yihiin, “taas oo ah, ku dhawaad 300 kiiloogaraam oo burbur ah halkii mitir oo labajibbaaran.”

Waxa uu intaa ku daray shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Geneva in inkastoo aan la ogaan karin tirada saxda ah ee hubka aan weli qarxin ee Qasa, haddana uu filayo inay qaadan doonto 14 sano, xaaladaha qaarkood, si looga saaro burburka iyo dhismayaasha burburay.

“Waan ognahay in inta badan ay jirto ugu yaraan 10 boqolkiiba madaafiicda dhulka ku dhacday oo aan weli qarxin,” ayuu yidhi.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dagaalka Israa’iil uu Qasa ka dhigay “Jahannamo bini’aadantinimo” iyadoo laga cabsi qabo in macaluul soo food saarto.

Related posts

Jeelkii London Ayaa Waxa U Dhimay Xirsi” Wasiir Cabdinaasir Buuni Oo Si Adag Uga Jawaabay Gudoomiyaha Xisbiga Wadani

Abdiaziz Bnnstaff

Qoraagii Buuga Mayal Abwaab Abdiraxmaan Abees Oo Maanta Hargeysa Lagu Xidhay

Abdiaziz Bnnstaff

Somaliland Oo Bandow Ku Soo Rogtay Magaalada Ceerigaabo Oo Ay Shaqaaqooyin Kala Duwani Ka Socdaan

Abdiaziz Bnnstaff