Borama News Network

Ciidanka Israaiil Oo Duqayn Ka Gaystay Duleedka Magaalada Dimishiq Ee Suuriya.

Ciidanka Israaiil ayaa duqayn ka gaystay duleedka Magaalada Dimishiq ee Caasimadda Jamhuuriyadda Carabta Suuriya sida ay sheegeen saraakiil katirsan Militariga Dalkaas oo u xog-warramay Wakaaladda Wararka SANA.Weerarkaan ayaa dhacay aroornimadii hore ee Talaalada Maanta inkasta oo aan la sheegin khasaaraha ka dhashay, saraakiil katirsan ciidanka Dowladda Suuriya ayaa tilmaamay in keliya waxyeello gaartay guryo & agab yaallay.

Wakaaladda Wararka Reuters ayaa dhankeeda sheegtay in weerarkaan uu ahaa mid duqayn ah oo laga tuuray Buuraha Golan ee Ciidanka Israaiil horay uga qabsadeen askarta Suuriya balse dhankeeda ma sheegin waxyeello ka dhalatay.

Ciidamada Yuhuudda ayaa dhowr jeer weerarro ka gaysatay Dalalka Suuriya iyo Lubnaan iyada oo sababta go’aankaas ku sheegtay mid ay uga hortagayso dhinacyada hubaysan ee halkaas jooga waa sida ay hadalka u dhigeen.

Israaiil waxa uu jab wayn kasoo gaaray dagaalka ka socda Magaalada Gaza oo waxaa looga dilay saraakiishii iyo ciidankii ugu badnaa ee waayahaan dagaal uga dhinta halka weli laga haysto Maxaabiistii laga soo afduubtay xeryihii ay ku faanayeen in amnigooda aad loo adkeeyo.

Related posts

Xuutiyiinta Dalka Yeman Oo Ku Dhawaaqay In Ay Awood U Leeyihiin Qaadiska Weeraro Culus Oo Ay Ku Burburiyaan Maraakiibta Waawayn

Abdiaziz Bnnstaff

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliya Oo Sheegay In Ay Dowlada Somaliya Kor Qaaday Howlgalada Ka Dhanka Ah Alshabaab

Abdiaziz Bnnstaff

Xidhibaan Caana-nuug ”Heshiiska Aan La Galnay Turkiga Wuxuu Udhigmaa Maalintii Aan Xurnimada Qaadanay”.

Abdiaziz Bnnstaff