Borama News Network

Golaha Wasiirrada Somaliya oo maanta go’aan ka gaadhaya Heshiiska Somaliland Iyo Itoobiya ku dhexmaray Addis Ababa.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan degdeg ah ka yeelanaya go’aankooda la xiriira heshiiskii shalay wada galeen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi & Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ee la xiriira arrimaha badda cas.

Qoraal kooban oo Dowladda Federaalka Soomaaliya soosaartay ayaa lagu sheegay in Xukuumaddu ay shaacin doonto mowqifkeeda ku aaddan heshiiskaan oo falcelin badan dhaliyay kaddib markii lasoo bandhigay.

Golaha Wasiirrada Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa bari Shir degdeg ah  la isugu yeeray si go’aan looga soo saaro heshiiska la sheegay inuu maanta ku dhexmaray magaalada Addis Ababa dowlada Itoobiya iyo maamulka Somaliland” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo Dowladda soosaartay.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii uu heshiiska saxiixay kaddib waxa uu sheegay in ay Itoobiya ay aqoonsanayso balse qoraalka Xafiiska Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed marnaba laguma soo hadal qaadin arrintaas.

Related posts

Xildhibaan Barkhad Batuun Oo Si Adag Uga Hadlay Dilkii Cabdinasir Muuse Fariina Adgana U Diray Dowlada Somaliya

Abdiaziz Bnnstaff

Wasiir Xagaa” Soomaliland shaleey waxay sheegtay in hawadeeda ay lasoo wareegtay waa been “

Abdiaziz Bnnstaff

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo sheegay in Dowladda ay xoogga saartay dagaalka ka dhanka ah ‘AS’.

Abdiaziz Bnnstaff