Borama News Network

Soomaaliya Iyo Turkiga oo ku ballamay xoojinta iskaashiga Amniga, Dhaqaalaha, Ganacsiga Iyo Waxbarashada.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Saalax Axmed Jaamac oo ku sugan Dalka Gambia ayaa Magaalada Banjul kulan gaar ah kula qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Turkiga Hakan Fidan oo ay kawada hadleen xaaladda iyo xiriirka labada dhinac.

Qoraal kooban oo Dowladda Federaalka Soomaaliya kasoo saartay kulankaan waxa ay ku sheegtay in Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Saalax Axmed Jaamac & Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga ay isku fahmeen xoojinta qodobadii ay kawada hadleen.

Si gaar ah waxa ay labada Mas’uul uga wada hadleen Iskaashiga Amniga, Dhaqaalaha, Ganacsiga & Waxbarashada oo labada Dowladood iska kaashanayeen tan iyo sanadkii 2011kii oo xiligaas Turkigu uu Dalka kusoo galay caawinta dadkii abaartu saamaynta taban ku reebtay.

Muqdisho iyo Ankara waxaa ka dhaxeeya xiriir xooggan iyada oo Dowladda Turkiga ay Soomaaliya u tababartay ciidamo gaar ah oo isugu jira Kumaandoos iyo Booliis kuwaas oo ka howlgalla gudaha Dalka.

Dhowaan waxa ay labada Dowladood ay kala saxiixdeen heshiis dhinaca difaaca badda waxaana haatan billowday dhaqangelinta heshiiskaas oo muddada uu soconayo lagu tababarayo ciidamo Soomaaliyeed oo Mustaqbalka Amniga Baddooda la wareega.

Related posts

Qoys Ay Shan Caruur Ah Kaga Dhinteen Hooyibe Ku Soo Dhacay Gurigii Ay Deganaayeen Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Muuse Biixi Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Gaadhay Magaalada Berbera

Abdiaziz Bnnstaff

“Maxamed Abiib Waa La Afduubay, Waana In Xoriyadiisa Loo Soo Celiyaa.” Xildhibaan Axmed Khaliif .

Abdiaziz Bnnstaff