Borama News Network

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi oo kulan la yeeshay Danjiraha Isu-tagga Imaaraadka Carabta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Danjiraha Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Axmed Juma Al Rumaithi.

Kulanka Wasiirka koowaad ee Xukuumadda iyo Safiirka dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya yaa diiradda waxaa lagu saaray, “xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal,” sida lagu yiri qoraal ka soo baxay kulanka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Danjiraha Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Axmed Juma Al Rumaithi ugu mahadceliyey booqashada uu ugu yimid Xafiiskiisa.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa waxa ay ka mid tahay dalalka xiriirka la ah Soomaaliya, iyada oo dowladda ka teegeerta tababaridda ciidanka, sidoo kale waxa ay kaali ka qeyb qaadataa arrimaha gurmadka.

Related posts

DAAWO: Muuqaal Ay Duubtay CCTV Ee Qaraxii Maanta Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Abdiaziz Bnnstaff

“Kulmiye Dambe Oo Soo Laabta Oo Xukuumad Dambe Noqnaa Waa Baabacdaas Oo Ay Timo Ka Soo Baxaaan” Siyaasi Qabyo Tire”

Abdiaziz Bnnstaff

Maxay kawada hadleen Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya?

Abdiaziz Bnnstaff