Borama News Network

Xuutiyiinta Dalka Yeman Oo Maanta Sii Daayay Maxaabiis Tiro Badan Oo U Xidhinaa Iyo Tirada Maxaabiistaasi Oo La Shaaciyay

Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in ay sii daayeen ku dhawaad boqol maxaabiis ah oo u xirnaa.

Xuutiyiinta ayaa sheegay in go’aankani yahay mid ay si iskooda ah u qaateen oo hal dhinac ah.

Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ah (ICRC) ayaa Axaddii xaqiijisay sii deynta 113 maxbuus, waxayna bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay gacan ka geysatay siideynta maxaabiista iyada oo la eegayo arrimo bina’aadannimo.

Balse dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ayaa sheegtay in dadka la siidaayay aysan ahayn askar, balse ay ahaayeen dad rayid ah oo Xuuthiyiinta ay ka qafaasheen guryaha, masaajidda iyo goobaha shaqada.

Xuutiyiinta iyo dowladda fadhigeedu yahay Cadan ee caalamku aqoonsan yahay ayaa dalkaasi ku dagaalamayay tan iyo 2014-kii.

Dagaalka Yemen ayaa waxaa ka dhashay xaaladdi bina’adanimo ee ugu darneyd sida ay Qaramada Midoobey sheegtay.

Related posts

Mucaaradka Israaiil Oo Netanyahu Ku Eedeeyay In Uu Dhaawacayo Xidhiidhka Maraykanka Ay Wadaagaan

Abdiaziz Bnnstaff

“Kulmiye Waxaan U Aqaanaa Xisbiga Cayda iyo Maxishoodayaasha”Aqoonyahan Ismaaciil Lugwayne

Abdiaziz Bnnstaff

Trump ayaa ballanqaaday inuu 24 saac gudahood ku joojin doono dagaalka Ukraine haddii uu guulaysto. wuu guleystay— suurgal ma tahay?

Abdiaziz Bnnstaff