Borama News Network

Mucaaradka Israaiil Oo Netanyahu Ku Eedeeyay In Uu Dhaawacayo Xidhiidhka Maraykanka Ay Wadaagaan

Xubnaha Mucaaradka Israaiil ayaa Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ku eedeeyay in ay dhaawac xooggan u gaysanayso xiriirka kala dhaxeeya Dhiggooda Washing kaddib markii uu ka diiday wadahadalka lagu dhalinayo Xabbad-joojinta.

Waxa ay sheegeen in dhabbaha uu ku socdo Netanyahu ee ah diidamada wadahadalka aanay xal u ahayn isbahaysiga Israaiil garab istaagga u muujinaya sida Maraykanka maadaama soo jeedinta Biden ay tahay in wada-xaajood la galo.

Mucaaradka ayaa hoosta ka xariiqay in wax weliba oo ka dhasha tallaabooyinka Benjamin Netanyahu uu dusha saaran doonno laguna xisaabtami doonno Mustaqbalka dhow iyo kan fog waa sida hadalka loo dhigay.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa u xusul-duubaya in uu baddelo qorshaha dagaalka ka socda Magaalada Gaza waxaana uu markaan uu albaabka u gargaaracayaa wadahadal & heshiis lagu soo afjaro dagaalladaas daba-dheeraaday.

Netanyahu ayaa culays xooggan waxaa saaray dhinacyada mucaaradsan waxaana ay usoo jeediyeen in uu joojiyo dagaalka maadaama Khasaara oo kusii kordha mooyee aanay guul ka gaarin soo furashada Maxaabiista ka maqan.

Related posts

“Shaqo Xumada Xukumada Ayay Ka Mid Tahay In Miisaaniyada Ay La Raagto, Hadhawna Nala Baryo……” Xildhibaan Mukhtaar Maydhane

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Jabuuti Oo Hiil Falastiin Ku Tilmaamtay Weeraradii Dagaalyahannada Xuutiyiinta Yemen Ee Marin Biyoodka Baabul Mandab

Abdiaziz Bnnstaff

Xukuumadda Netanyahu oo Ciidanka Israaiil ku qasbaysa dib ugu laabashada goobaha ay isaga-baxeen

Abdiaziz Bnnstaff