Borama News Network

Waa kuma Gudoomiyaha Cusub Ee Baarlamaanka Puntland Ee Taariikhda Cusub Dhigay.

Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka maamul goboleedka Puntland ayaa loo doortay Cabdirisaaq Axmed Siciid.

Wareegga kowaad ee doorashada ayuu helay 37 cod, halka gudoomiyihii hore ee golaha Cabdirishiid Yuusuf Jibril uu helay codadka ugu hooseeya oo ah 8 cod.

Ilaa afar xildhibaan ayaa u tartamayey gudoomiyaha golaha wakiilada ee Puntland, kuwaasoo kala ahaa Xildhibaan Maxamed Faarax Maxamed Gabyoow oo helay 10 cod, iyo Xildhibaan Mursal Maxamuud Cabdi oo helay 10 cod, hase yeeshee saddexdii mudane ee la tartamayey ayaa ka tanaasulay inay u gudbaan wareegga labaad.

Gudoomiyaha ku meel gaarka ee golaha wakiillada ee Puntland Xildhibaan Xasan Cabdalla Xasan ayaa ku dhawaaqay in Cabdirisaaq Axmed Siciid Faarax in uu ku guulaystay hogaaminta golaha wakiilada ee Puntland ilaa 2029-ka.

Hadal kooban ayuu Cabdirisaaq jeediyey markii lagu dhawaaqay guushiisa.

“Dhamanteen waxaan nahay hal gole, waxaana leenahay hal hadaf, waxaan doonaynaa inaan ka dhabayno masuuliyada aan qaadnay ee la inagu wada aaminay” ayuu yiri Cabdirisaaq Axmed Siciid oo la hadlayey 66ka xildhibaan ee baarlamaanka Puntland.

Waa markii ugu horeysay ee gudoomiye baarlamaan Puntland ku soo baxo wareegga koowaad iyadoo an la aadin wareega labaad.

Related posts

Hanjabaado bambaano oo loo diray xubnaha golaha wasiirrada ee uu Trump magacaabay

Abdiaziz Bnnstaff

Ciidamada Puntland Oo Hawlgal Ka Fuliyay Buuraha Isku Xidha Togaga Miraale iyo Moqor

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Somaliya Oo Mar Kale Shuruud Adag Ku Xidhay Wadahadal Ay La Gasho Dowlada Itoobiya

Abdiaziz Bnnstaff