Borama News Network

Dowlada Somaliya Oo Mar Kale Shuruud Adag Ku Xidhay Wadahadal Ay La Gasho Dowlada Itoobiya

War kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dhabbaha keliya ee wadahadal lagu gaari karo uu yahay in Itoobiya ay meesha ka saarto sheegashadeeda ah in ay heshiis la gashay Somaliland (Gobollada Waqooyi).

Dowladda ayaa tilmaamtay in heshiis beenaadkaas uu abuuray falcelin badan oo kasoo laabatay Dowlado, Ururro iyo dhinacyo kale oo dhammaan garab istaag xooggan u muujiyay Soomaaliya maadaama Itoobiya ay qaadday tallaab sharci darro ah.

“Wadahadallada Itoobiya waa kuwo aan la gaari karin, haddii aanay meesha ka saarin heshiiskii sharci-darrada ahaa ee is-afgaradka ahaa ee ay la galeen gobollada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland) oo ay muujinayso ixtiraam buuxa oo ay u hayaan midnimada, madaxbannaanida Soomaaliya iyo mabda’a ah in aan la faragelin” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhowaysay go’aanka Dalalka ku bahoobay Ururka G7 ee la xiriira ka dhiidhinta tallaabada Itoobiya ay qaadday 1dii Janaayo 2024 ee ay ku shaacisay heshiis beenaadkii meel ka dhaca ku ahaa madaxbannaanida & wadajirka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

“Soomaaliya waxaa ka go’an inay taageerto nabadda iyo amniga gobolka, waxayna aad u dooneysaa inay xoojiso iskaashiga ay la leedahay G7 iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah, si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo barwaaqo ka dhalata Geeska Afrika” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda Soomaaliya.

Related posts

Dagaalyahanada Qazaam Ee Reer Falastiin Oo Soo Bandhigay Muuqaali Cusub Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Abdiaziz Bnnstaff

Puntland Raali Kama Noqon Doonto Wax Kasta Oo Kasoo Baxa Kulan Xasan Sheekh Iyo Muuse Biixi”Madaxwayne Deni”

Abdiaziz Bnnstaff

Qiimaha Lagu Kala Iibsado Muuseka Oo La Saadaaliyay In Uu Samaynayo Kor U Kac Xoogan Iyo Sababta

Abdiaziz Bnnstaff