Borama News Network

Isreal Oo Duqayn La Beegsatay Duqsi Ay Qaramada Midoobay Ku LeedahayMagaalada Qaza

Ugu yaraan 27 qof ayaa ku geeriyoodey duqeyn diyaaradaha Israa’iil ka geysteen dugsi ay maamusho QM oo gabbaad u ahaa dad barakacayaal ah oo ku sugan.

Militariga Israa’iil ayaa xaqiijiyey weerarka ay ku qaaddeen dugsiga QM oo ay sheegeen in uu saldhig u ahaa ururka Xamaas.

Wariyeyaal deegaanka ka ag dhow ayaa BBC-da u sheegay diyaarad ay Isra’il leedahay ay labo gantaal ku dhufatay dabaqa saree e dugsiga oo ku yaal xerada qaxootiga Nuseyraat. Wrbaahinta Xamaas ayaa weerarka lagu beegsaday dugsigan oo hoy u ahaa boqool qoys oo barakacayaal ah ku tilmaantay “xasuuq foolxun”.

Gaadiidka gurmadka degdegga ayaa dadkii halkaas ku dhaawacmay ula cararay goobaha caafimaadka, halka sawirro laga qaaday goobta la weeraray ay muujinayaan burbur lixaad leh oo soo gaaray dhismaha iyo maydadka maryo lagu duuduubay oo safan.

Ismail al-Thawabta oo agaasime ka ah xafiiska warfaafinta xamaas ayaa been-abuur ku tilmaamay sheegashada Israa’iil ee ah in dugsiga QM uu xarun u ahaa urukooda.

Related posts

Dowladaha Carabta Oo Diiday Dalabki Trump ee Gaza

Abdiaziz Bnnstaff

Dowladda Federaalka Soomaaliya Oo Kordhisay Ciidamada Sugaya Amniga Magaalada Muqdisho

Abdiaziz Bnnstaff

Saraakiisha Ugu Saraysa Ciidamada Itoobiya Iyo Kenya Oo Yeeshay Shir Xasaasi Ah Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadlayaan.

Abdiaziz Bnnstaff