Borama News Network

Dowladda Federaalka Soomaaliya Oo Kordhisay Ciidamada Sugaya Amniga Magaalada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay kordhisay ciidamada sugaya amniga Magaalada Muqdisho waxaana ay rugo ama goobo cusub oo baaritaanno ah ka samaysteen xaafadaha iyo waddooyinka waa wayn ee Caasimadda.

Sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo kala duwan, ciidamadaan ayaa sare u qaaday amniga Magaalada Muqdisho waxa ay baarayaan Gaadiidka & Dadka la socda si ay u xoojiyaan isbaddelka nabadgalyada ah ee jira.

Suuqyada ugu waa wayn ee Magaalada Muqdisho iyo goobaha kale ee laga dukaamaysto ayaa lagu arkayaa ciidamo Booliis iyo nabadsugid ah oo goobo baaritaanno ah ka samaystay si loo adkeeyo nabadgalyada sida ay sheegeen saraakiil katirsan Dowladda Federaalka.

Maalmaha u dambeeyay Bishaan Barakaysan ee Ramadaan oo ah xiliga ugu ugu mashquulka badan goobaha ganacsiga ee lagu iibiyo agabka loogu diyaargaroobayo Munaasabadda Ciidul-Fidriga ayaa lagu dhex argayaa ciidamo katirsan kuwa ammaanka.

Isgoysyada Magaalada Muqdisho oo ay gaadiidka ku baarayaan ciidamada ammaanka waxaa ka jira saxmad (Cariiri) waqti badan kugu qaadanaya in aad ka baxdid maadaama dhowr sano ay xiran yihiin jidadka u dhaxeeya Isgoysyada Caasimadda.

Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay ugu dhawaaqay in la adkaynayo amniga Magaalada Muqdisho iyo deegaannada ku xeeran si Dadku ugu soomaan uguna ciidaan si nabadgalyo ah.

Related posts

“Dawladda Taagta Daran Ee Wasiiradeedu Badaha Iibiyaan Ee Somaliya” Wasiir Buuni Oo U Jawaabay Somaliya

Abdiaziz Bnnstaff

‘Wuxuu Ahaa Sidii Middi Dhabarka Igaga Dhacday Oo Kale” Madaxweynaha Jabuuti Oo Ka Hadlay Heshiiskii Somaliland Iyo Itoobiya

Abdiaziz Bnnstaff

Xoghayaha Difaaca Maraykanka oo Kansar ku dhacay & Joe Biden oo muddo ku qaadatay in xogtiisa uu helo.

Abdiaziz Bnnstaff