Borama News Network

Al-shabaab oo culimo Dariiqada Suufiyada ah ka afduubtay Laanta Buuro

Wararka ka imanaaya Laanta Buuro ee Galbeedka Muqdisho ayaa sheegay in Al-Shabaab ay afduubteen ilaa labaatan culimo ah oo ka tirsan dariiqada Suufiyada, culimadaas oo sanad walba iskugu yimaado kulan diimeed ka dhaca Laanta Buuro. Wararku wax ay sheegayaan in qar ka mid ah culimada ay u suurtagashay in ay baxsadaan oo ay ka badbaadaan afdubka.

Al-shabaab ayaa muddo dheer ka soo horjeeday suufiyada oo ay u aragto inay ka soo horjeedaan mabaadi’dooda adag ee Islaamka, waxayna horrey u burburiyeen mowlacyo badan oo ay dariiqooyinka suufiyadu ay lahaayeen.

Weli war rasmi ah, Al-shabaab kama soo saarin Afduubkaas. 

Related posts

Ciidamada Masar oo rasaas ku furay kuwa Israel ee jooga halka laga galo Rafax

Abdiaziz Bnnstaff

Booliska Puntland Oo Gacanta Ku Dhigay Ajaaniib Lagu Eedeeyey In Ay Muqdisho Ka Qaateen Dahab

Abdiaziz Bnnstaff

Dunida oo kuleyl loogu dhimanayo – Muxuu yahay xalka dowladaha?

Abdiaziz Bnnstaff