Borama News Network

Maraykanka oo Sharciga Deganaashaha siinaya ku dhawaad nus milyan ruux

Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in ku dhawaad Nus Milyan ruux ay siinayso Sharciga Deganaashiyaha Dalkaas kuwaas oo qaarkood xaasas leh kuna nool waddankaan sida hadalka loo dhigay.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay siyaasad cusub oo ku saabsan dadka soogalootiga ah ee sida sharci darrada ah ku jooga Dalkaas balse sugaya in ay helaan deganaashiyo u suuragaliyana in ay xuquuq helaan.

Joe Biden oo wajahaya Doorasho adag ayaa loo arkaa in uu Siyaasaddaan cusub ee magangalyo doonka uu ku kasban karo codadka dad badan oo jooga Maraykanka maadaama xubno katirsan qoyskooda haysan sharciga deganaashiyaha.

Sanadihii u dambeeyay waxaa si tahriib ah xuduudda Maraykanka uga gudbiyay Dad kala dhalasho duwan oo u arka in ay Dalkaas ku helayaan nolol uga wanaagsan tan ay ku haystaan Dalalkooda inkasta oo lagu adkeeyay helitaanka sharciga deganaashiyaha.

Dadka helaya fursadahaan waxaa kamid ah Dad qaarkood ku nool Maraykanka 10kii sano u dambeeyay kuwaas oo aan helin sharciga Degenaashiyaha kuwaas oo qaar kamid ah carruur ku dhaleen muddadaas ay joogaan Dalkaas.

Related posts

Maraykanka Oo Dalbaday Kulan Gaar Ah Oo Uu La Yeesho Wasiirka Difaaca Isreal

Abdiaziz Bnnstaff

War Cusub Oo Ka Soo Kordhay Khalaafkii Hogaanka Urur Siyaasadeedka Hilaac

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Deni Oo Magacaabay Gole Wasiiro Cusub Oo Ay Ka Jiraan Sadex Haween Ah

Abdiaziz Bnnstaff