Borama News Network

Suxufiyiin ka tirsan TV-ga MM oo qabtay dood ku saabsan Is Afgarad kii dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya oo Hargeysa lagu xiray

Sida ay  xaqiijiyeen illo wareedyo ku sugan magaala madaxda Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland, waxa xabsiga la dhigay labo suxufi iyo farsamo yaqaan ka tirsan TV-ga MM oo xalay qabtay dood toos uga socotay barta X ee horey loo oran jiray Twitter.

Doodda oo ay daadahinayeen labada suxufi ee la kala yiraahdo Maxamed Ilig iyo Cabdishakuur Dayib ayaa waxa kala qaybgalay Feysal Cali Sheekh oo madax ka ah Hay’adda Aafooyinka Dabiiciga ah iyo Kaydka Raashinka ee Somaliland iyo Wasiirkii hore ee Arimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar Axmed, waxayna ku saabsanayd “Faa’iidada iyo Khatarta Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya”.

Intii ay socotay doodda ayaa la sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa sirdoonka Somaliland ay galeen xarunta TV-ga MM ee Hargeysa halkaas oo ay ka qabteen Weriye Maxamed Ilig, Weriye Maxamed Andar iyo farsamo yaqaan Ilyaas Cabdinaasir.

Illaa hadda saraakiisha sirdoonka iyo kuwa booliska ee Somaliland kama aanay hadlin xariga suxufiyiintan xalay jeelka loo dhaadhicyay.

Related posts

Wasiirka Difaaca Oo Sheegay In Ay Socdaan Baaritaanno Lagu Hubinayo Weerarkii Ka Dhacay Xerada Goordan

Abdiaziz Bnnstaff

Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya Oo Ka Hadlay Muushin Ka Dhan Ah Oo Dhawaan Soo Shaac Baxay

Abdiaziz Bnnstaff

“Waxaan la yaabay maalintu yidhi Ey baa soo basasay dad” Xildhibaan Maxamed Abiib.

Abdiaziz Bnnstaff