Borama News Network

Liiska ugu dambeeya ee Murashaxiinta xilka Madaxweynaha Puntland oo maanta hadal jeedin ka hor sameynaya Barlamaaanka

11 Murashax oo isu diiwaan galiyay in ay ka qaybgalaan doorashada Madaxweynaha Puntland ee shanta sanno ee soo socota ayaa goordhow hadal jeedin ka sameyn doona fadhi ay leeyihiin xildhibaannada cusub ee Barlamaanka Puntland.

Madaxweynaha xilku ka dhamaanayo Siciiid Cabdilaahi Dani, Madaxweyne hore Cabdiwali Gaas, labo wasiir arimo dibadeed oo horey xilal uga soo qabtay Dawladda Federaalka, iyo xubno kale oo xilal sare uga soo qabtay Maamulka Puntaland ayaa ku loolami doona doorashada oo beri ka dhici doonta magaalada Garoowe.

Xildhibaannada Barlamaanka Puntland oo ka kooban 66 xubnood ayaa codeyn doona, iyadoo murashaxii ugu cod bata wareegga ugu dambeeya ama murashaxa wareegga koowaad hela codadka sedex meelood labo meelood uu noqon doono Madaxweynaha cusub ee Puntland.

Xildhibaannada ayaa sidoo kale maanta dhagaysan doona khudbadaha murashaxiinta u tartamaya xilka Madaxweyne Kuxigeenka oo iyana gaaraya 11 xubnood.

Puntaland waa maamulka kaliya ee waqtigeeda ku qabta doorashada Madaxweynaha iyo Kuxigeenkiisa marka la eego Maamullada kale ee Soomaaliya, taas oo aad loogu amaanay.

Related posts

Reer Awdal Iyo Kulmiye Way Is Barteen Madaxwayne Daahir Rayaalena” Siyaasi Axmed Muumin Seed Oo Si Adag Hadlay

Abdiaziz Bnnstaff

Mareykanka oo Ruushka ku eedeeyay inuu jabiyay xeerka hubka

Isreal Oo Saaka Weerar Ku Qaaday Dalka Iran Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya Weerarkaasi

Abdiaziz Bnnstaff