Taliska Mareykanka Ee Afrika Iyo Militariga Faransiiska Oo ka Wada hadlay Xoojinta Iskaashiga Ee Dhinaca Afrika

Hoggaamiyeyaasha Taliska Mareykanka ee Afrika Jeneraal Stephen Townsend iyo saraakiil uu hogaaminaayo taliyaga Ciidamada Dalka Faransiiska General François Lecointre,ayaa isku afgartay sii wadista iskaashiga Mareykanka iyo Faransiiska ee dhinaca Afrika .

Jeneraal Stephen Townsend, Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa yiri “Faransiiska waa saaxiibka ugu da’da weyn Mareykanka waana hogaamiyaha la dagaalanka argagixisada Afrika.

“Waxaan wadaagnaa hanjabaadda guud, walaaca labada dhinac iyo balanqaadka aan kula dagaalameyno ururada xagjirka ah ee rabshadaha wada ayuu yiri Taliyahu.

Hogaamiyaasha ayaa sidoo kale kawada hadlay tartanka awoodeed ee dunidu ugu jirto Africa iyo sida dalalka Shiinaha iyo Ruushka ay u daneynayaan qaaradda.

Hoggaamiyaha Taliska Mareykanka ee Afrika waxa uu qiray guushii duulaanka uu hogaaminaayey Faransiiska ee lagu dilay mid ka mid ah taliyayaashii ugu weynaa Al-Qaida, Abdelmalek Droukdal, bishii Juun.

Wafdiga Mareykanka ayaa ka tacsiyeeyay khasaarihii ugu dambeeyay ee Faransiiska kasoo gaaray Saaxil, oo ay kujiraan dhimashadii ugu dambeysay ee askarta Faransiiska intii lagu jiray Howlgalka Barkhane.

Mawduucyada laga hadlay waxaa kaloo ka mid ahaa mudnaanta ay leedahay qaaradda Afrika, iskaashiga laba dale e Franco-America iyo la dagaallanka ururrada xagjirka ah ee rabshadaha ka wada ee Galbeedka Afrika.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

“Inta Amni Xumo Ka Jirto Dalka Hormar Dhaqaale Lama Sameeyne Karo” Mahdi Maxamed Guuleed

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiir Beena beene “Dowladda Marnaba Ma Ogolaneyso In Shirarka Somaliya Lagu Qabto Dalka Dibaddiisa

Bnnstaff Bnnstaff

TPLF Oo Mar Kale Hanjabaad Culus U Soo Dirtay Dawlada Itoobiya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More