Borama News Network

Roobka saacadaha badan ka da’aya Muqdisho oo xiray waddooyinka qaar ee Caasimadda.

Ku dhawaad 10 saacadood waxaa Magaalada Muqdisho ka da’aya Roob saamayn taban ku reebay Waddooyinka Caasimadda iyo Isu socodka Gaadiidka kaddib markii Daadadka ka dhashay roobkaas ay fadhiisteen Waddooyin muhiim ah.

Qaar kamid ah Wadayaasha Gaadiidka Caasimadda ayaa Mustaqbal u sheegay in Waddooyinka qaar ay xirmeen kaddib markii ay ku hoortay xareedda roobka saacadaha badan ka da’aya Magaalada Muqdisho.

Waddooyinka dhanka Xaafadah dhexmara ayay sheegeen wadayaasha Gaadiidka in qudhooda biyo degeen noqdeen intooda badan saakay ay joojiyeen shaqadii ay u hayeen Bulshada sida joogtada ah u raacda Gaadiidkooda.

Saxmad ayaa ka jirta waddooyinka kooban ee aanay lahayn biyo degeennada waxaana adag in si fudud isaga kala gudbaan Gaadiidka maadaama ay halkaas ku kulmeen Gawaari badan sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Inta badan marka uu da’o Roobka waxaa jira waddooyin lasii ogyahay in ay biyaha fadhiistaan ama degeen waxaana mararka qaar looga dhuuqaa Booyado halka kuwo kale ay maalmo yaalaan biyahaas sida ay inoo sheegeen ilo kala duwan oo la hadlay Mustaqbal.

Related posts

Dowladdii Dhexe Ee Soomaliya Waxaa Laga Dhigtay Mid Lagu Shaqeysto Inaan Ka Guurno” Madaxweyne Deni Oo Hadal Culus Jeediyay

Abdiaziz Bnnstaff

Midowga Afrika oo Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo u wakiishay dhexdhexaadinta Soomaaliya IyoItoobiya.

Abdiaziz Bnnstaff

Caaqil Reer Borama Ah Oo Aamaan Kula Dul Kufay Madaxwaynaha Dalka Jabuuti Ismaciil Cumar Geele Iyo Sababta

Abdiaziz Bnnstaff