Borama News Network

Midowga Afrika oo Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo u wakiishay dhexdhexaadinta Soomaaliya IyoItoobiya.

Ururka Midowga Afrika ayaa sheegay in Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo u magacawday in uu madax ka noqdo wadahadallada Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo xiisaddooda cirka gashay wixii ka dambeeyay 1dii Janaayo 2024.

Khilaafka ayaa bannaanka usoo baxay kaddib markii Xukuumadda Itoobiya ay ku dhawaaqday heshiis ay la gashay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi si ay u helaan qayb kamid ah Badda Soomaaliya oo Itoobiya damacsan tahay in ay saldhigato.

Tallaabadaas waxaa go’aan adag oo diidmo ah kala hortagtay Dowladda Federaalka Soomaaliya maadaama heshiiskaas uu yahay mid baalmarsan sharciga, Dastuurka Dalka, madaxbannaanida iyo wadajirka Soomaaliyeed balse Addis dheg jalaq uma siin diidmadaas.

Ururka Midowga Afrika oo xubno ay kawada yihiin Soomaaliya & Itoobiya ayaa shaaciyay in uu kusoo baxay xal u helista xiisaddaan oo u muuqata mid isku baddeli karta gacan-qaad marka laga tusaale qaato ficillada gurracan ee Itoobiya ay qaadayso.

Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo ayuu Ururka u wakiishay in uu ku baxo xal u helista khilaafkaan isla markaana uu la fadhiisto madaxda labada dhinac si uu u dhagaysto mowqifka dhinac weliba si kaddib xalka loo raad-raaco.

Soomaaliya ayaa shuruud ka dhigtay wadahadal ay la gasho Itoobiya in ay marka hore buriso ama baabi’iso heshiis-beenaadkii ay shaacisay 1dii Janaayo 2024, sidoo kalena dhowrta madaxbannaanida & wadajirka Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si cad u sheegtay in aanay marnaba gorgortan ama wadahadal ka geli Karin ‘Taako’ kamid ah ciidda, badda iyo hawada Soomaaliya sidaas awgeed Itoobiya ay is sabarsiiso damaceeda gurracan.

Related posts

Dalka Nicaragua oo marin sahlan u noqday dadka u tahriibaya Maraykanka

Abdiaziz Bnnstaff

Faahfaahino Dheeraad Ah Oo Ka Soo Baxaya Shan Qarax Oo Ka Dhacay Muqdisho

Abdiaziz Bnnstaff

DEGDEG: “Daniyow Dalku Waa Hargaysa Iyo Muqdisho Magaca Puntland Anaga Iska Leh Idinku Majeerteeniya Ayaa Leedihiin… Faysal Cali Waraabe

Abdiaziz Bnnstaff